Filinka Bridget Jones's Baby oo qaatay lacagtii ugu badnayd markii laga furay dalka UK

Emma Thompson iyo Renee Zellweger Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Emma Thompson iyo Renee Zellweger oo ku jira Bridget Jones's Baby

Bridget Jones's Baby ayaa noqday filinka qaatay lacagta ugu badan dalka isagoo qaatay £8.1milyan markii la furay Jimcihii.

Filinka ayaa ah kii saddexaad ee Bridget Jones iyo kii ugu horeeyay 12 sano tan iyo 2004 -tii.

Renee Zellweger and Colin Firth ayaa filinka ku jira, iyadoo dadkii daawaday ay sheegeen inuu fiican yahay.

Maalmihii la furay filinka ayaa qaatay siddeed jibaar filinka ku xigay ee lacagta badan qaatay oo ah Blair Witch oo galay kaalinta labaad. Wuxuu helay £959.000.

The Beatles, Eight Days A Week, oo ah dekumentari laga sameeyay taariikhda kooxda heesta ayaa gashay kaalinta saddexaad, kadib markii ay heshay £655,000.

Filimaanta ugu horeeya shineemooyinka UK
1. Bridget Jones's Baby - (£8.1m)
2. Blair Witch - (£959,000)
3. The Beatles: Eight Days A Week - (£655,000)
4. Sausage Party - (£615,000)
5. Kubo and the Two Strings - (£599,000)