Inaad daawatid filimaanta 'waxay leedahay xanuun yarayn dabiici ah ee jirka'

Laba qof oo fiirsanaya film Lahaanshaha sawirka diego cervo/Thinkstock
Image caption In la daawado filimaanta sheekada ku salaysan way noo fiican tahay ayay sheegeen saynisyahanada

Fiirsashada filin ilin kaa keena wuxuu caawinayaa dadka inay isku soo dhawaadaan, ayay sheegeen baarayaasha.

Daraasadan ayaa macnayn karta sababta dadka ay u jecel yihiin sheekooyinka aan runta ahayn, xataa hadii ay oohin naga keento.

Baaritaanka oo ay sameeyeen koox Jaamacada Oxford, ayaa sheegaysa in filimaanta murugada leh iyo kuwa sheekooyinka waawayn ay keenaan dareen fiican oo ah kiimikada endorphins.

Waxay u shaqaysaa sida daawada xanuunka joojisa waxayna caawisaa in dadka uu isku soo dhawaado, ayay ku sheegeen baaritaankooda ay ku qoreen Royal Society journal Open Science.

Sida ay dadka u jecel yihiin sheekooyinka aan runta ahayn ayaa ah wax lagu yaqaano dadka, laakiin ilaa hadda saynisyahanada ma aysan baarin meesha ay ka timid.

"Sheekooyinka aan runta ahayn ayaa aqoonyahano badan ay barteen taasoo muhiim u ah bini'aadanka ayna wadaagaan dhaqamo badan," ayuu sheegay Robin Dunbar, oo ah professor maadada evolutionary psychology ee Jaamacada Oxford.

Kiimikada endorphins

Koox Jaamacada Oxford oo ka kooban saynisyahano, kuwo kale oo ka socda maadooyin aan saynis ahayn ayaa tijaabiyay in sheekooyinka la fiirsanayo ay soo dayso kiimikada endorphins - oo ah kiimikada maskaxda ee xanuunka yaraysa.

Lahaanshaha sawirka Science Photo Library
Image caption Endorphins ayaa mararka qaar lagu tilmaamaa inay xanuunka u yarayso si dabiici ah

Xanuun yaraynta dabiiciga ee jirka

Baaritaanka ayaa ahaa mid aan caadi ahayn oo ay isla sameeyeen baarayaal ka kala socda sayniska iyo maadooyinka kale.

Dr Sophie Duncan, oo ku taqasustay Shakespeare, ayaa sheegtay inay doonayeen inay fahmaan sida iyo sababta sheekooyinka aan runta ahayn ay u shaqeeyaan.

Daraasada ayaa sheegaysa ''inaad ka helaysid endorphin badan sheekooyinka aan runta ahayn'', ayay sheegtay.

''Inaad fiirsatid filin murugo leh - waxay u fiican tahay caafimaadkeena,'' ayay u sheegtay BBC.

''Waxay kordhinaysaa endorphins oo ah sida dabiiciga ah ee uu jirkeena u yareeyo xanuunka.''