Buug laga qoray tahriibka dhibkiisa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Buug uu qoray nin tahriibka dhibkiisa arkay oo ku soo noqday Hargaysa

Maxamed Xuseen Geeldoon, waa wiil dhalinyaro ah oo isagoo tahriib ah saxaraha ka gudbay oo gaaray Libya. Doon ayaa la qalibmi gaartay, wuu silcay, wuu rafaaday, ka dibna wuxu go'aansaday inuu dalkiisii dib ugu noqdo oo wuxu ku laabtay magaalada Hargaysa oo uu haatan ku suganyahay.

Waxaa isaga iyo Alle ha u naxariistee Siciid Maxamed Daahir oo ka tirsanaa machadka cilmi baadhista ee Rift Valley Institute, ay iska kaashadeen inay wax ka qoraan duruuftii uu ka mutay tahriibka. Waxay soo saareen buug uu maal galiyay machadka Rift Valey kaas oo ku soo baxay Af-Soomaali iyo Ingiriis

Axmed-Nagaashe ayaa khadka telefoonka Hargaysa ku waraystay Geeldoon oo ugu horrayn waydiiyay buugga magaciisa iyo waxa ku dhaliyay inuu buuggan qoro.