England: Ardayda dhaqaatiirta oo la kordhinayo 25%

Doctors Lahaanshaha sawirka iStock

Tirada ardayda dhiganaysa caafimaadka ayaa la kordhin doonaa 25% sanadka 2018 iyadoo wasiirada ay shaaca ka qaadeen qorshe caafimaad ee isku filnaashaha tababarka dhaqaatiirta England.

Qorshaha dowladda ayaa arki doona in la balaariyo tirada la tababaro sanadkii oo ah 6000 oo laga dhigo 7,500 sanadkii.

Wasiirada ayaa aaminsan in kordhinta dhaqaatiirta waddanka lagu tababaray ay muhiim u tahay bulshada oo da'doodu sii waynaanayso.

Waxaa kaloo jira walaac laga qabo inay adkaan doonto in dhaqaatiir dibadda laga keeno mustaqbalka.

Ilaa rubac shaqaalaha caafimaadka ayaa lagu soo tababaray dibadda, laakiin saamaynta ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub iyo dhaqaatiirta adduunka oo yaraanaysa ayaa adkaynaya in dibadda laga keeno.

Ra'iisalwasaaraha Theresa May ayaa BBC u sheegtay : "Waxaan doonaynaa wasaarada caafimaadka ee NHS inay dhaqaatiirta ka qaadato waddanka.

Waxaan doonaynaa in dhaqaatiir badan oo British ah inay u shaqeeyaan NHS."

Lahaanshaha sawirka Other

Dr Daniel Bunce, oo ah 27 jir, wuxuu ku jiraa sanadkii saddexaad ee uu ku shaqaynayo dhaqtar cusub kadib markii uu dhameeyay shan sano jaamacad waxbarasho caafimaad.

Wuxuu hadda ka shaqeeyaa isbitaal qaybta daryeelka badan ( intensive care.)

"Wuxuu sheegay inuu caafimaadka bartay sababtoo ah wuxuu doonayaa "inuu dadka daryeelo oo isbadal sameeyo".

Ardayda caafimaadka ayaa laga sugayaa inay u shaqeeyaan NHS ugu yaraan afar sano- hadii kale waxay la kulmayaan ganaax inay soo celiyaan lacagtii lagu tababaray oo gaaraysa £220,000 oo ay dowladda ku bixisay shanta sano ee waxbarashada jaamacadda.

Lahaanshaha sawirka iStock

Madaxa ururka dhaqaatiirta ee (British Medical Association) Dr Mark Porter, ayaa sheegay in qorshahan uu yahay "mid aan ku filnayn baahida jirta."

"Sida aan fiicnayn ee ay dowladda u qorshaysay shaqaalaha ayaa keenay in adeega caafimaadka ay soo foodsaarto shaqaale yari wayn" ayuu dhahay.

"Waxaan aad ugu baahanahay dhaqaatiir, gaar ahaan qorshaha ay dowladda ku doonayso adeeg toddobo maalin, laakiin waxay qaadan doontaa toban sano in kordhinta waxbarashada caafimaadka ay soo saarto dhaqaatiir badan.

"Tallaabadan ma joojin doonto NHS inay u baahato dhaqaatiir inay dibadda ka keensato."

  • Sanad walba 6,000 oo arday caafimaad ayaa ka soo baxa hadda shan sano oo waxbarasho jaamacadda
  • Waxaa jira shaqooyin banaan oo ay ku noqonayaan dhaqaatiir cusub, inkastoo dhaqaatiirta qaar ay qaataan sanad ay ku nastaan
  • Sanadka saddexaad ee shaqada dhaqaatiirta cusub ayay ku dooranayaan inay doortaan taqasus ay ku noqonayaan dhaqtar guud ama mid isbitaalka oo wax qala.sida qaliinka
  • halkan ayay shaqaalo yarida ka soo baxdaa
  • Tiradii ugu danbaysay ee ay soo saartay Health Education England ayaa sheegaysa tobankii meeloodba meel ayaan la buuxin.
  • Meelaha shaqaalo yarida ugu badan ayaa ah, psychiatry (19%), Dhaqaatiirta Guud (17%) Dhaqaatiirta carruurta (7%).

Mowduucyada la xiriira