Inta uu noolaan karo qof oo ahaan karta ilaa 115

Da'kororka Lahaanshaha sawirka iStock

Nolosheena ayaa ku ekaan karta ilaa 115 oo sano, sida ay sheegeen saynisyahanada Maraykanka.

Go'aankooda oo lagu daabacay joornaalka Nature, ayaa la sameeyay kadib markii la falanqeeyay xog ku saabsan waqtiga ay dadka noolaadaan.

Waxay sheegeen dad yar ayaa laga yaabaa inay noolaadaan waqti dheer, laakiin aad ayay u adag tahay inaad heshid qof jira 125 sano.

Inta la noolaan karo ayaa kordhaysay tan iyo qarnigii sagaal iyo tobnaad, iyadoo ay sabab u tahay talaalka, ilmo dhalis qatar la'aan ah iyo ka hortaga cudurada dilaaga ee kansarka iyo wadno xanuunka.

Qof ugu da'da wayn

Lahaanshaha sawirka Alamy

Jeanne Calment,oo u dhalatay Faransiiska ayaa ahayd qofka ugu da'da wayn adduunka, waxay dhimatay 1997 iyadoo jirta 122.

Waxay dhalatay intaan la dhisin taalada Eiffel Tower ee Faransiiska, waxayna la kulantay Vincent van Gogh oo caan ku ahaa sawir gacanta

Qofna da'deeda oo kale uma soo dhawaan ilaa hadda.

Mowduucyada la xiriira