Taariikhda maalinta Ashuura
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Taariikhda maalinta Cashuura ee dhimashadii Imaam Xuseen

Magaalada Karbala ee Ciraaq waxaa isugu soo baxay kumanaan Shiica ah, oo xusaya maalinta Cashuura ee dhimashadii Imaam Xuseen oo Nabi Maxamed uu awoowe u ahaa.

Iran tan iyo shalay waxay ahayd xus murugo oo meel walba la isugu soo baxay si loo xuso maalinta Cashuura.

Dalka Pakistan Shiicadu waxay maanta xusaysaa maalinta Cashuura iyadoo boqollaal kun oo ciidan ah la dhigay wadooyinka la dhigay.

Haddaba maxay tahay maalintan, maxaase Shiicadu ay summad uga dhigeen, Sheikh Maxamed Dahir oo ah imaamka masjidka magaalada Cardiff ee Britain ayaa ka hadlaya taariikhda .maalinta Cashuura.