QM: Wax beerashada ayaa u baahan inay qayb ka qaadato dhimista kaarboonka

Beer uu ka baxayo qamadi Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Beerashada qamadiga ayaa caawiya inay cunto helaan bulshada sii badanaysa

Wax beerashada caalamka ayaa kaalin wayn ka qaadan karta dhimista kaarboonka hawada gala, iyo la qabsiga isbadalka cimilada ayay sheegtay Qaramada Midoobay.l

Warbixin ay soo saartay hayadda Qaramada Midoobay ee cuntada ee FAO, ayaa sheegtay in beeraha ay sababaan kaarboonka hawada gala labaatan boqolkiiba, ayna u baahan yihiin in la dhimo.

Warbixinta ayaa sheegtay in haddaan isbadal la samayn ay malaayiin dad ah ay qatar ugu jiraan gaajo.

Sanadkii hore, waddamada caalamka ayaa ku heshiiyay inay baabi'iyaan gaajada markii la gaaro sanadka 2030.

" Cimilada way isbadalaysaa, marka beeraha waa inay isbadalaan sidoo kale," ayuu sheegay Rob Voss, oo ah gaasimaha FAO qaybta Agricultural Development Economics.

"Waxaan dhahayno waa beeraha way saamaysay isbadalka cimilada, gaar ahaan waddamada ku yaala meelaha kulaylaha

" Sidoo kale beeraha ay sababaan labaatan boqolkiba kaarboon ka hawada gala," ayuu sheegay Mr Voss oo madax u ah kooxda soo saartay warbixinta FAO.

"Haddii aan sii wadno sida hadda ku socono, ma siin karno cunto ku filan caalamka waxbana kama qaban karno isbadalka cimilada."

Mowduucyada la xiriira