Bahrain ayaa lagu qabtay tababar looga hortagayo argagixisada waddamada Khaliijka

Security forces dressed in black cross a road in preparation for a practice raid Lahaanshaha sawirka BIM

Ciidamada ammaanka ee ka kala yimid lix waddan ee ku jira Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ayaa samaynaya tababaro looga hortagayo argagixisada.

GCC waxaa ku jira Sacuudi Carabiya, Kuwait, Baxrain, Qadar, Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Cumaan. Ururka ayaa rajaynaya in tababarka uu caawin doono in la iska kaashado ammaanka gobolka.

Qatarta Sacuudiga

"Tababarka ayaa diraya fariin in lixda waddan ee ku jira GCC ay iska taageerayaan qatarta ku timaada"ayuu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee Baxrain, Lt-Gen Rashid Al-Khalifa.

Lahaanshaha sawirka Alamy
Image caption Bahrain ayaa doonaysa in tababarka uu hormariyo ammaanka gobolka

Sacuudi Carabiya, oo ah waddanka ugu wayn ayaa qatarta ugu badan ku jira.

Ciidamadooda ayaa dagaal kula jira mucaaradka Yemen si ay u taageeraan dowladda Yemen.

Iyadoo ay dhaleecayn badan uga imaanayso caalamka dhimashada badan ee uu dagaalka Yemen sababay, Sacuudiga ayaa lagu soo ridaa gantaalo ay soo tuuraan mucaaradka Xuutga ee Yemen.

Waddanka, waxuu ka soo gudbay qatartii al-Qaeda ee sanadihii 2000 -yadii, hogaamiyayaasha Sacuudiga ayaa hadda la tacaalaya mintidiinta kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee (IS).

Taageerayaasha kooxda IS ayaa qarxiyay masaajidyo waxayna beegsadeen ciidamada ammaanka. In ka badan 4,000 oo reer Sacuudi ah ayaa la og yahay inay ku biireen IS oo ay ka dagaalamayaan Suuriya iyo Ciraaq.

Waxaa kaloo jira mucaarad kordhaya oo ka tirsan dadka Shiicada ee laga tiro badan yahay ee ku nool gobolka bariga Sacuudiga ee shidaalka leh.

Lahaanshaha sawirka BIM
Image caption Ciidamada lixda waddan oo samaynaya tababarka ka hortaga argagixisada

Bahrain ayaa ah waddanka kaliya ee Khaliijka ay saamaysay kacdoonkii Carabta ee 2011.

Boqortooyada Sunniga ah ayaa ka hortagtay mudaaharaadyo badan oo ay sameeyeen Shiicada waddanka ku badan, oo intooda badan si nabad ah u banaanbaxay si ay u helaan dimoqraadiyad iyo xaquuq bini'aadan.

Inkastoo ay sameeyeen isbadalo, ciidamada ammaanka ee Baxrain ayaa lagu eedeeyay xadgudub xaquuqda bini'aadanka.

Lahaanshaha sawirka BIM

Cumaan ayaa leh siyaasad arrimo dibadd oo ka duwan dariskeeda, iyadoo leh siyaasad dhexdhexaad ah.

Waxaa lagu tilmaami karaa inay tahay "Switzerland-ta Khaliijka".

Iyadoo xiriiirka ka dhaxeeya waddamada Khaliijka iyo Iran uu sii xumaanayo, Cumaan ayaa xiriirkeeda Iran uu fiican yahay

Cumaan ayaa dhex dhexaad ka ah dagaalka ka socda Yemen, iyadoo wadahadalo nabad ah ay ugu qabatay Muscat labada dhinac ee dagaalamaya inkastoo aan laga gaarin wax horumar ah.