Cudurka Dementia ayaa noqday dilaaga ugu badan ee gobolada England iyo Wales ee Britain

dementia Lahaanshaha sawirka SPL
Image caption Sawir maskaxda cudurka qabta

Cudurka Dementia, (Qasaas) oo ay ku jiraan cudurka Alzheimer ayaa noqday dilaaga ugu wayn ee England iyo Wales ee Britain, isagoo ka hormaray wadno xanuunka, sida ay sheegtay tiradii ugu danbaysay ee soo baxday.

Xafiiska Tirikoobka Qaranka ( Office for National Statistics ), ayaa sheegay in isbadalka ay badankeed u badan tahay inay keentay dadka oo waqti dheer noolaanaya, iyo dhaqaatiirta oo horumar ka gaaray inay helaan cudurka.

Sanadkii hore, in ka badan 61,000 oo qof ayaa u dhintay dementia taasoo ah 11.6% dhimashada la diiwaan galiyay.

Cudurada Dementia iyo Alzheimer ayaa u dhigma 15.2% dhimashada haweenka, iyadoo ahayd 13.4% sanadkii 2014.

Nimanka, ayaa wadno xanuunka uu ahaa dilaaga ugu wayn sanadkii 2015.

Kansarada noocyada kala duwan ayaa wali ah cudurka ugu badan ee loo dhinto guud ahaan.

Dumarka da'dooda u dhaxayso 35 ilaa 49, kansarka naasaha ayaa ah cudurka ugu badan ee dila.

Mowduucyada la xiriira