'2016 ayay u badan tahay inuu noqdo sanadkii ugu kululaa'

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption 2016 ayaa la arkay abaar qasaaro badan keentay

Hayadda Qaramada Midoobay ee qaabilsan isbadalka cimilada ee WMO, ayaa sheegtay in 2016 ay u badan tahay inuu noqdo sanadka ugu kulul tan iyo intii diiwaan galinta ay bilaabatay, sida ay sheegtay xogtii ugu horaysay.

Hadalkan ayaa lagu sheegay shirka caalamiga ee cimilada ee ka socda Morocco, halkaas oo wakiilada ay isku dayayaan inay ka baaraan dagaan saamaynta ay ku yeelanayso doorashada Donald Trump wax ka qabashada cimilada kululaanaysa.

Intii uu ku guda jiray ololaha ayaa Trump uu ku tilmaamay isbadalka cimilada wax aan jirin.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa sheegay Axadii inuu rajaynayo Maraykanka inuu sii wadi doono dadaalka heshiiskii Paris ee cimilada.

Shiinaha ayaa sheegay inay ka go'an tahay la dagaalanka isbadalka cimilada mar walba. Horantii bishan tiro ay soo saartay WMO ayaa muujisay 2011 ilaa 2015 inay ahaayeen sanadihii ugu kululaa.