Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaarro ba'an oo ka jira Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Carruur saf ugu jirta raashin

Gurmadyo xoog leh oo isugu jira raashin qaybin iyo biyo-dhaan lagu lagu taakuleynayo dadka ku dhaqan degaannada ay abaaruhu saameeyeen ayaa ka socda

gobollada Puntland waxana gurmadkaas kaalin wayn kaga jira ciidamada badda ee Puntland iyo guddiyo rayid ah oo ay horkacayaan culimada diinta iyo ganacsatada.

Inkasta oo dadaalkaasi socdo haddana dad badan ayaa la sheegayaa ina ka barakaceen miyiga oo ay ku xaroodeen tuulooyinka iyo degmooyinka ka dib markii ay dhaafeen xoolihii ay haysteen.

Dhinaca kale waxaa abaarro ba'an laga soo sheegay deegaanka Xuddun oo ka tirsan gobolka Sool.

Waxaa sidoo kale abaaruhu ay ka jiraan deegaano ka tirsan gobollada u dhaw Sool.

Haddaba waxaa jira dadaal wax loogu qabanayo dadka ay abaaruuhu saameeyeen oo ay wadaan odoyaasha iyo waxgaradka deegaanka.