Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Al Shabaab oo Dhoobleey laga qabsaday

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Maliishiyo ku dagaallamaysa Dhoobleey

Dagaal culus oo saaka ka dhacay magaalada Dhoobleey ee soohdinta Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa la sheegay inay ku qabsadeen xoogag isbahaystay oo ka kala socda dowladda ku-meel-gaarka iyo ururka Raas-Kaambooni.

Dagaalka oo lagu qaaday Xarakada Al-Shabaab oo iyagu gacanta ku hayay Dhoobleey, waxaa la sheegay in la adeegsaday hub culus oo magaalada lagu garaacay kahor intii aan lagu khasbin Al-Shabaab inay magaalada ka baxaan.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka uu sababay, laakiin dad jooga dhinaca Kenya oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaaqa madaafiicda iyo hubka ay labada dhinac isku adeegsanayaan.