Xubnaha gudiga dastuurka

Cabdullaahi Xassan Jaamac

(1956, Bebilay). Waa guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka Federaaliga. Wuxuu ka qaatay shahaadada Phd ee Culuumta Falsafada (Philosophy) Jaamacada Moscow State University. Ka hor intii uusan ku soo biirin Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka Federaaliga, wuxuu wax ka dhigi jiray Jaamacada Kenyatta University oo kutaala Nairobi. Intaa ka horna wuxuu ahaa wariye ka tirsan Laanta Afka Soomaaliga ee Radio Moscow.

Maxamed Isaaq Ibraahim

(1952, Diinsoor). Waa guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka Federaaliga. Wuxuu ka qalin jabiyay Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Qaranka Soomaaliya (Somali National University) wuxuuna sidaa ku noqday abukaate. Dagaalka sokeeye ka hor, wuxuu xaakim ka ahaa Maxkamadda Gobolka Banadir.

Xaliima Jaamac Afrax

(Hargeysa, 1958). Waa haweeneyda ah xog-hayaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka Federaaliga. Waxaa loo soo taba baray sidii xisaab haye. Xaliima waxay agaasime bajet ka soo noqotay Wasaarada Maaliyada, Adeegga Kastamyada Canshuuraha Soomaaliya iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho. Sidoo kale, waxay ka soo shaqeysay Mashruuca Qiimeynta Baahida QM ee wada jirka ah.

Zahra Cumar Macalim

(Muqdisho, 1951). Waxay dagaalka sokeeye ka hor ka ahaan jirtay agaasime maamul Hayada Cagafyada Qaranka. Waa dhow, waxay ahayd Guddoomiye Ku-xigeenka Shabakada Xuquuqul Insaanka. Zahra waxay ka qalin jabisay Iskoolka Maareynta iyo Horumarinta ee Soomaaliya.

Xaawa Cali Jaamac

(Qardho, 1947).Waxay guddoomin jirtay Ururka Aan Dowliga Ahayn ee ‘Waxaanu Nahay Howlaha Dumarka’ ama ‘We Are Women Activists (WAWA)’. Waa macallimad qalin jabisay oo dagaalka ka hor iskool wax ka dhigi jirtay.Waxay tababarka ku qaadatay Machadka Horumarinta & Maareynta, oo intaa ka dib waxay kaloo ka soo shaqeysay Waaxda Maamulka ee Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya.

Bibi Khaliif Maxamed

(Muqdisho,1962). Waxay ka soo shaqeysay Isbitaalka Xoolaha Qaranka ee kuyaalay Muqdisho. Waxay sidoo kale ka soo shaqeysay Warshada Hargaha iyo Saamaha dagaalka sokeeye ka hor. Intaa ka dib, Bibi waxay u soo haajirtay Kenya oo ay ka bilowday ganacsi ayadu ay leedahay. Waa dhaqtarad xoolaha qaabilsan oo ka soo qalin jabisay Jaamacada Qaranka Soomaaliya.

Faadumo Cali Caliyow

(Muqdisho, (1962). Waxaa lagu soo baray Shareecada Islaamka iyo Xiriirka Dad-weynaha Jaamacada Al-Azhar ee Masar. Intaa ka hor, waxay soo qaadatay shahaadada Bachelor oo ay ku soo baratay Taariikh (oo ahayd maadada weyn ama major) iyo Juquraafi (oo ahayd maadada yar ama minor) shahaadadaas oo ay ka soo qaadatay Kuleejada Waxbarashada Lafoole. Faadumo waxay Taariikhda ka soo dhigi jirtay iskoolada dowlada ee Soomaaliya.

Ruun Siraad Cali

(Baydhabo, 1964). Waa qof xisaabiye ah oo wax ku soo bartay Jaamacada Qaranka Soomaaliya. Dagaalka sokeeye ka hor, Ruun waxay ka soo shaqeysay Hayada Ganacsiga Qaranka Soomaaliya iyo Bangiga Ganacsiga iyo Keydka. Ruun waa qof u dhaqdhaqaaqa nabadda isla markaana horay ugu soo lug yeelatay ururo badan oo u adeega haweenka iyo bulshada rayidka ah.

Xaliimo Xassan Maxamed

(Buula Xaawo, 1970). Waxay ahayd haweeney ganacsata inta badan ee nolosheeda tan iyo markii ay qaan gaartay. Xaliimo waxay wax ku baratay Machadka Horumarinta & Maareynta ee Soomaaliya.

Cusmaan Sh. Axmed Suldaan

(Afgooye, 1930). Wuxuu soo noqday macallin, lacag keydiye bangi, Guddoomiye Dagmo, iyo Maamule Gobol. Wuxuu ka soo qalin jabiyay Jaamacada Qaranka Soomaaliya iyo Machadka Waxbarashada Islaamiga. Intaa kadib, Cusmaan wuxuu si gaar ah ugu shaqeysan jiray aqoontiisa garsoorka magaalada Muqdisho gudaheeda. Sidoo kale waa oday dhaqeemeed caan ah.

Sh. Ibraahim Sh. Maxamed

(Jalalaqsi, 1947). Wuxuu u shaqeyn jiray Dacwad-soo-oogaha Guud asagoo u ahaa abukaate dadka kuwooda ugu nugul. Wuxuu ka qalin jabiyay Jaamacada Qaranka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale xaakim ka ahaa Maxkamada Gobolka Banadir iyo weliba Maxkamada Racfaanka. Intaa ka dib wuxuu noqday madaxa Maxkamada Racfaanka Qaranka.

Maxamed Cabdullaahi Cabdi

(Baladweyn, 1946). Wuxuu ahaa sargaal caan ah oo ka shaqeeya xiriirka dad-weynaha intii lagu jiray sanadihii kacaanka. Wuxuu sidoo kale ahaa macallin taariikhda ka dhiga iskoolada dowlada dagaalka sokeeye ka hor. Maxamed wuxuu wax ku soo bartay Machadkii Macallimiinta ee Midowgii Sofiyeti ee hore.

Maxamed Musa Fooley

(Dhagaxbuur, 1949). Wuxuu ahaa sargaal sare oo ka tirsan booliska kana shaqeyn jiray Xarunta Baarista Falal-Dambiyeedka ee Booliska Soomaaliyeed ka hor dagaalka sokeeye. Sidoo kale waa abukaate tababaran oo wax ku soo bartay Jaamacada Qaranka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ku takhasusay baaritaanada la xiriira maan-dooriyeyaasha, dilalka, iyo dambiyada waaweyn oo uu ku soo bartay wadamada Masar iyo Jarmalka.

Mukhtaar Cabdi Dhuubow

(Buaale, 1958). Mukhtaar wuxuu ahaa ganacsade inta badan ee noloshiisa tan iyo markii uu qaan gaaray. Wuxuu ku qaatay oo ku dhammaystay waxbarashada dugsiga sare magaalada Kismaayo.

Aden Maxamed Cabdullaahi

(Burco, 1958). Wuxuu ahaa Wasiirka Xiriirinta Guddiyada Qaranka Somaliland. Aden wuxuu intaa kadib u shaqeeyay USAID. Wuxuu wax ku soo bartay Machadka Horumarinta iyo Maareynta ee Soomaaliya.

Cusmaan Mahando Abshir

(Jamame, 1964). Wuxuu u dhaqdhaqaaqi jiray nabadda dhammaan sanadihii dagaalada sokeeye ay wadanka ka jireen. Wuxuu u soo shaqeeyay Wasaarada Beeraha iyo Wasaarada Xoolaha, Kalluumaysiga iyo Deegaanka. Cusmaan wuxuu sidoo kale u soo shaqeeyay Ururo Aan Dowli Ahayn oo badan oo ka kala howl gali jiray meelo kala duwan oo kuyaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Yuusuf Xaaji Cilmi Guure

(Baladweyn, 1948). Wuxuu ahaa Madaxweynaha Darajada Koowaad leh ee maxkamada Militariga dagaalka sokeeye ka hor. Wuxuu sidoo kale ahaan jiray madaxa Waaxda Tasiilaadka Ciidamada Soomaaliya. Yuusuf wuxuu ku qaatay digriiga Sharciga Jaamacada Qaranka Soomaaliya.

Tahliil Xuseen Geedi

(Dhusamareeb, 1948). Wuxuu u soo shaqeeyay Jaamacada Qaranka Soomaaliya iyo Wasaarada Arimaha Gudaha dagaalka sokeeye ka hor. Wuxuu sidoo kale xubin ka ahaa Baarlamaankii Ku-meel-gaarka ahaa ee la dhisay sanadkii 2000.

Cabdullaahi Cali Nuur

(Qoryooley, 1940). Wuxuu Korneel horay uga soo ahaan jiray Ciidamada Badda ee Soomaaliya. Wuxuu wax ku soo bartay Midowgii Sofiyeti ee hore iyo Masar labadaba. Ka hor intii uusan ku biirin ciidamada badda, Cabdullaahi Cali Nuur wuxuu macallin iskool ka ahaa Soomaaliya.

Cabdikariim Maxamed Hilowle

(Muqdisho, 1959). Wuxuu ahaa Agaasimaha Maamulka Hayada Daawooyinka Caafimaadka ee Soomaaliya ee magaceeda loo yaqaanay ‘ASPIMA’ ka hor intii dowladii dhexe ee Soomaaliya aysan burburin. Cabdikariim Maxamed wuxuu ka sitaa shahaadada diploma oo xagga Dhaqaalaha ah Machadka Qaranka Soomaaliya ee Xisaabaadka & Dhaqaalaha Siyaabaha Kala Duwan Loo Isticmaalo.

Cumar Sh. Cali Cosoble

(Baladweyn, 1958). Wuxuu ahaan jiray Madaxa Maxkamada Gobolka Banadir. Wuxuu sidoo kale xubin ka ahaa Guddiga Dib-u-hubinta Garsoorka Banadir ee la shaqeyn jiray UNISOM. Mar dhow wuxuu u shaqeyn jiray Oxfam-Novib iyo Peaceline. Cumar waa abukaate xirfadle ah oo ka soo qalin jabiyay Jaamacada Qaranka Soomaaliya.

Yuusuf Barre Axmed

(Luuq, 1954). Wuxuu ahaan jiray Agaasimaha Guddiga Qaxootiga Qaranka ee Gobolka Gedo ka hor dagaalka sokeeye. Kadib markii uu ku dhammeeyay waxbarashada dugsiga sare magaalada Luuq, Yuusuf wuxuu u gudbay Jaamacada Qaranka Soomaaliya.

Maxamed Sh. Cabdisalaam

(Qansaxdheere, 1974). Wuxuu ku qaatay digriigiisa ugu horeeyay Shareecada Islaamka maagaalada Muqdisho Soomaaliya gudaheeda. Wuxuu ahaa macallin iskool illaa uu ku soo biiray Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka Federaaliga.

Cabdullaahi Maxamed Cabdi

(Buuhoodle, 1947). Wuxuu ahaan jiray madaxa Qeybta Farsamada Gacanta ee Hayada Korontada Soomaaliya. Maadaama uu sidoo kale noqday qof u dhaqdhaqaaqa nabadda wuxuu ku lug yeeshay Wada hadalo badan oo Nabadeed oo Soomaaliya loo qabtay, oo ay ku jiraan kuwii horseeday Somaliland iyo Puntland. Cabdullaahi wuxuu sidoo kale u soo shaqeeyay shirkado badan iyo weliba Dowlada hoose ee wadanka Imaaraatka Carabta (UAE).

Cabdikariim Xassan Gorod

(Muqdisho, 1955). Wuxuu xubin ka ahaa Guddiga Bartamaha Xisbigii Shuuciga Soomaaliya wuxuuna sidoo kale ahaan jiray Sargaalka Xiriirka Dibada ee Xisbiga. Wuxuu sidii qof gar yaqaan ah ugu soo tababartay Jaamacada Fez ee wadanka Morocco wuxuuna intaa ka dib ku lahaa shirkad gaar ah oo xagga sharciga ah Soomaaliya gudaheeda.

Cabdirizaaq Daahir Xuseen

(Hargeysa, 1965). Wuxuu Dowlada Ku-Meel-gaarka ah u ahaan jiray Ku-xigeenka Wasiirka Boostooyinka iyo Isgaarsiinta. Wuxuu sidoo kale horay ugu soo shaqeeyay shirkado qaran iyo kuwo wadamo badan ka shaqeeya. Cabdirizaaq wuxuu ka qalin jabiyay waaxda rayidka ee Machadyada Farsamada Gacanta Qaranka Soomaaliya.

Cabdulcaziiz Cusmaan Sh. Maxamed

(Baladweyn, 1961). Wuxuu ka wataa master’s degree Shareecada taasoo uu ka soo qaatay jaamacad ku taala Sacuudi Carabiya, wuxuuna ahaan jiray macallin iskool iyo ganacsade ka hor intii uusan ku soo biirin Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka Federaaliga.

Axmed Aadan Cabdiraxmaan

(Balligubadle, 1981). Wuxuu ka wataa shahaadada Bachelor Shareecada taasoo uu ka soo qaatay Jaamacada Medina (Medina University). Axmed wuxuu horraantii ahaa Agaasimaha Wasaarada Dalxiiska ee dowlada haatan jirta ee Ku-Meel-gaarka Federaalka Soomaaliya.

Cabdulraxmaan Warsame Siyaad

(Muqdisho, 1962). Wuxuu ka qalin jabiyay kulliyada sharciga ee Jaamacada Qaranka Soomaaliya. Ka hor dagaalka sokeeye, wuxuu u shaqeyn jiray Xog-haynta Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubinta 30aad ee loo soo magcaabay Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka Federaaliga, Sheekh Cali Mursal oo kasocday Baydhabo, wuxuu haatan xanuunsan yahay dhowr bilood. Marka maadaama xaaladiisa caafimaad aysan ka soo raynayn, haatan waxaa la goobayaa qof lagu badalo.

……………………………………………………………………………………………………………