Ma jirtaa nolol ka baxsan dhulka?

Cili Baaris Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Cilmi baarayaasha ilaa haatan ma hayaan wax muujinaayo in ay jirto astaamo muujinaayo nolol dibadda ka ah dhulka

Dowladda Maraykanka waxay jawaab ka bixisay codsi ka yimid koox la yiraahdo Boga Internetka ee Dadweynaha oo ilaa 5,000 oo qof ay saxiixeen.

Labo koox oo saxiixday ayaa labadaba ugu baaqday dowladda Maraykanka in ay soo bandhigto hadii ay wax ka ogtahay in ay jiraan waxyaaba ku nool goob aan ahayn dhulkan ay dadka ku noolyihiin.

Aqalka cad jawaabta uu qoray waxaa lagu sheegay in aysan jirin wax astaan ah oo muujinaaya in nolol dibadda ka ah dhulka ay jirto. Waxaa kale oo ay jawaabtu sheegtay in aysan jirin wax astaan ah oo sidoo kale muujinaaya in warar arrintaasi la xiriirta dadka laga qarinaayo.