Helikobtaro xajka lagu adeegsaday

Xajka Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Sacuudiga aya helikobtaro u adeegsanaayo xajka

Dalka Sacudi Carabia ayaa markii ugu horaysay xajka ku adegsaday helikobtaro. Helikobtaradani ayaa la soo kiciyay ka dib markii babuur dad xajinaaya wadday ay shil gashay.

Madaxa howlgalada hawada Cabixakim Sacduun ayaa sheegay in helikobtarada ay adeegsadeen ka dib markii uu soo gaaray war ah in dad ka soo xajiyay dalka Pakistan ay galeen shil baabuur.

Diyaaradahan ayaa markiiba 6 qof ka qaaday goobta shilka si cisbitaalka loo geeyo. Sacdun ayaa sheegay in tani ay tahay talaabo wax ku ool ah iyadoo ay markii ugu horaysay sadex diyaaradood ay ka qeyn qaateen badbaadinta dad dhaawac ahaa.

Diyaaradahani waxay dad ka soo daad gureeyeen dhowr goobood oo kale oo ay ka dheceen shilal baabuur.

Sacudiga ayaa sanadba sanadka ka sii dambeeya sare u qaadaaya adeegyada ay u gudbiyaan Muslimiinta dalkaasi u taga si ay u soo xajiyaan.