Guryaha caagga ah ee Nigeria

Guryaha caagagta ee Nigeria
Image caption Guriyaha laga dhiso caagagta ee Nigeria

Gurigii ugu horeeyay ee Nigeria ee laga dhisay caagagga biyaha laga faaruqiyay ayaa noqday goob loo dalxiiso.

Dad ajnabi ah iyi xitaa masuuliyiin sarsare ayaa booqanaayo gurigaasi.

Caagga biyaha laga cabey ayaa waxaa laga buuxinaayaa carro, waxaana la taxayaa oo la isku dhejinaaya iyadoo la adeegsanaayo dhoobada.

Guryahan waxaa laga dhisay tuulo la yirahdo Yelwa oo ku taalo koonfurta dalka Nigeria.

Dadka waxay ku faraxsayihiin in mashruucani uu ka qeyb qaadaanaaya wanaajinta degaanka iyadoo caagga la adeegsado laga soo uruurinayo waddooyinka oo loo adeegsanaayo dhismaha guryaha.

Ganacsada u dhashay dalka Greece ayaa ku deeqay dhul haatan laga dhisaayo ilaa 25 guri oo la doonayo in la kireeyo.

Guryaha noocan loo dhisaaya waxay markii ugu horreysay ka bilawdeen dalalka India, waxayna ku habboon yihiin cimilada dalka Nigeria ee aadka u kulul.