Nin oday ah oo 20 sano lagu xukumay Thailand

Boqorka Thailand Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Nin reer Thailand ah ayaa lagu helay dambi ah in uu ku xadgudbay boqortooyada dalkaasi

Nin fariinta gaaban ee Mobilka ku caytamay ayaa lagu xukumay 20 sano oo xarig ah. Waxaa lagu helay dambi ah in uu ku xadgugbay boqortooyada dalka Thailand.

Ninkani oo 61 jir ah, ayaa waxaa uu fariinta gaaban ee SMSta u diray sarkaal u shaqeynayay Raisul Wasaarihii hore ee dalka Thailand Abhisit Vejjajiva.

Waxaa lagu ciqaabay qaanuunka dambiyada loo adeegsado Computerka oo la sheegay in lagu ilaaliyo sharafta boqortooyada dalkaasi.

Dadka ka soo horjeeda arintani ayaa sheegay in sharcigani la siyaasaday oo lagu caburiyo xoriyatul qowlka.

Ninkani oo lagu magacaabo Ampon Tangnoppakul ma joogin maxkamada uu ka dhacayay xukunka, oo daadadkii lixaadka lahaa ee ka dhacayay dalkaasi ayaa u suura gelin in laga soo qaado xabsigii lagu hayay.