Baaritaan cusub oo la xiriira isir-sidaha

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 25 Agoosto, 2012, 12:27 GMT 15:27 SGA

Saynisyahannadu waxa ay soo saarayaan qaab qofka lagu oggaan karo midabka indhaha iyo timaha

Saynisyahanno ayaa waxa ay sameeyeen baaritaan forensik oo saadaalin kara midabka timaha iyo indhaha ee qofka laga shakiyo meel danbi uu ka dhacay oo looga tagay isir-side ama DNA.

Kooxda Saynisyahannada ah ayaa waxa ay horumariyeen baaritaankan oo ay sheegeen inuu keeni karo xog muhiim ah oo soo saari karta dadka danbiyada geysta iyada oo la isticmaalayo DNA.

Nidaamkan cusub ee la yiraahd Hirisplex, ayaa u oggolaanaya dadka baaritaannada dambiyada sameeya inay soo koobaan tiro dad ah oo fara badan oo looga shakiyay danbi.

Faahfaahinta baaritaankan cusub ayaa waxa lagu soo saaray joornaalka caalamiga ah e Sayniska.

Baaritaankan oo la oggaanayo qofka isir-sidihiisa ayaa waxa lala barbar dhigayaa DNA qof horey ugu jiray xogta Kombiyuutarka.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.