Dooda Jimcaha

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Maarso, 2013, 15:32 GMT 18:32 SGA

Media Player

Todobaadkan waxaa lagu falanqeynayaa barnaamishka arimaha ammaanka Soomaaliya iyo caqabadaha ku hor gudban.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Ciidamada Soomaaliya

Ciidamada Soomaaliya

Todobaadkan waxaa lagu falanqeynayaa barnaamishka arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo caqabadaha ku hor gudban. Sidee amniga wax looga qaban karaa iyo saameynta uu ku yeelan karo amniga gobollada hadii ay ka baxaan ciidamada Itoobiya sidii dhacday todobaadkii hore oo ay ka baxeen magaalada Xudur.

Soomaaliya waxa ay hadda leedahay dowlad aan KMG aheyn oo shaqeyneysa caalamkuna ictiraafsan yahay, waddanka waxaa ka howlgala oo dowladda ka saacida amniga ciidamo shisheeye, dowladda hadda jirta waxa ay sheegtay lix tiir oo aasaas u ah hanaanka dowladnimo in ay ku shaqeynayaan. Waxaa ugu horeeya lixda tiir amniga hadana sidaas oo ay tahay waxaa weli sii socda qaraxyadii.

Waxa ka qeyb galay doodda, wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhiga Cabdiraxmaan Dheere, wasiir ku xigeenka warfaafinta ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdishakuur Cali Mire,

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo isaguna ah xildhibaan ka tirsan guddiga amniga ee baarlamaanka.

General Maxamed Nuur Galaal, oo ah khabiir meleteri kana mid ahaa hogaamiyayaashii ciidamada Soomaaliya. Siyaasiga Cali Cabdi Giir oo ahaan jiray wasiir hore, xildhibaanna ka ahaa baarlamaankii kan ka horeeyay.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.