Maalinta Caafimaadka Adduunka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 7 Abriil, 2013, 15:34 GMT 18:34 SGA

Media Player

Dhiiga iska cabir ayaa ah talada ay soo jeediyeen maanta dhaqaatiirta Sooomaalida ee Muqdisho si looga hortago cudurka dhiig karka.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

WHO

Dhiiga oo laiska cabiro ayaa ah siyaabaha lagu ogaan karo cudurka Dhiig Karka.

Magaalada Muqdisho maanta waxaa lagu xusay maalinta caafiimaadka adduunka, waxaa soo qaban qaabisay munsaasabadda wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada, waxaana ka hadlay wasiiro, xildhibaano iyo dhaqaatiir.

Adeega caafimaadka Soomaaliya ayaa burburay markii ay dowladda dhacday labaatan iyo saddex sano ka hor. Waxaa aad ugu yar dhaqaatiirta iyo isbitaalada ay dadka u baahan yihiin, si ay isaga daaweeyaan cudurada halista ah iyo kuwa laga hortagi karo.

Dhaqaatiirta ayaa maanta dadka kula taliyay inay dhiiga iska cabiraan, si ay uga hortagaan cudurka Dhiig Karka ee ku badan waddanka oo dhimasho badan keena

Wariyaha BBCda Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa Dr Abdikarim Caseyr Ali oo ka mid ahaa dhaqaatiirta xafladda ka hadashay waxaa uu ka wareystay, cudurka Dhiig Karka oo sanadkan qatarta caafimaad ee bulshooyinka ku haya halkudhig looga dhigay.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.