Cadaalada Soomaaliya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 Mey, 2013, 17:52 GMT 20:52 SGA

Media Player

Cadaalada Soomaaliya dib u dhiskeeda ayaa waxay ka mid tahay qorshaha dowladda si loo helo nabadgalyo iyo horumar.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Tan iyo markii ay burburtay dowladda Soomaaliya 22 sano ka hor, waxaa burburay habkii cadaalada, garsoorka iyo ilaalinta xaquuqda bini'aadanka. Cadaalad la'aanteed ayaa waxaa adag si uu dal u gaaro horumar iyo nabad.

Dowladda Soomaaliya tan iyo markii la doortay September sanadkii hore, waxay balan qaaday inay wax ka qabanayso dhinaca amniga iyo cadaalada.

Ilaa hadda dowladda waxay qabatay shir looga hadlaayo dib u habaynta cadaalada. Waxaa gobolada laga keenay ergooyin kala duwan waxayna ku taliyeen sidii loo hirgalin lahaa cadaalada, sharciga iyo garsoorka Soomaaliya.

Caalamka ayaa ka doonaya dowladda Soomaaliya, inay sheegto qorshaheeda hirgalinta cadaalada iyo siday uga caawin lahaayeen.

Wariyaha BBC Maxamed Ibraahim Macalimmo ayaa warbixintan ka soo diray.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.