Nelson Mandela oo 95 sano jirsaday

  • 19 Luulyo 2013
Mandela
Image caption Carruurta iskuullada Koonfur Afrika ayaa Mandela u qaaday heeso ay ugu rajaynayaan caafimaad.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela ayaa maanta jirsaday 95 sano.

Waxaa uu bishii labaad weli ku jiraa isbitaal ku yaalla magaalada Pretoria.

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa sheegay in caafimaadka Nelson Mandela uu si tartiib tartiib ah u soo hagaagayo.

Mandela ayaa weli xaalad adag ugu jira Isbitaal iyadoo laga daweynayo caabuq dhanka sanbabada.

Maanta oo ah maalintii uu dhashay Mandela ayay Qaramada midoobay u aqoonsatay in lagu qaddariyo gacanta uu ka geystay dib u heshiisiinta.

Nelson Mandela ayaa hogaaminayay dadaalkii looga horimaadsanaa nidaamkii midib kala sooca ee dalka Koonfur Afrika, waxaana uu ku jiray xabsiga muddo 27 sano ah.

Xabsiga ayuu ka soo baxay Mandela, waxaana uu dalkaas ka noqday madaxweynihii ugu horreyay ee madow ah, waxaana uu dalka u horseeday dib u heshiisiin dhexmartay dadka kala midibka ah.