Wadaad: Darawalnimada uma fiicna dumarka

Image caption Dumarka Sacuudiga ayaa doonaya in loo ogolaado inay gaariga wataan.

Dumarka darawaliinta ah waxay qatar galinayaan ugxan sidayaashooda iyo inay ilmo dhalaan, sida uu sheegay wadaad Sacuudi ah.

Hadal uu sheegay Shiikh Saleh al-Lohaidan, ayaa yimid iyadoo dadka ololeeya ay kordhiyeen ololaha ay ugu jiraan in dumarka Sacuudiga loo ogolaado inay gaariga wadaan.

Dumarka Sacuudiga ayaa waxaa la isugu yeerayaa inay jabiyaan sharciga u diidaya inay baabuurta wadaan bisha 26 Octobar.

Ololaha oo ka bilaabmay barta twitter ayaa wuxuu soo jiitay kow iyo toban qof oo saxiixay.

Waa ololihii ugu danbeeyay labaatankii sanno ee ugu danbeeyay in loo ogolaado dumarka inay baabuur wadaan.

Diidista in dumarka aysan wadin baabuur ayaa ah mid aan sharci ahayn, laakiin waxaa hirgaliya boliiska Sacuudiga iyagoo isticmaalaya ganaax iyo xiritaan.

Nimanka kaliya ayaa loo ogolyahay liisanka darawalnimada.

"Dumarka baabuurta wada waxay leeyihiin ilmo qaba dhibaatooyin caafimaad oo kala duwan".

Shiikh Lohaidan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka soo horjeedo isbadalo loogu ogolaanayo dumarka xuquuqdooda.

Dadka ka danbeeya ololaha ayaa ku doodaya in dumarka aan loo ogolayn inay gaariga wadaan, inay ku qasbayso dumarka inay qortaan shaqaale aan ka tirsanayn reerkooda.