Dumarka Sacuudiga oo noqon kara qareen

Image caption Dumarka Sacuudiga ayaa waxay u ololaynayaan in loo ogolaado inay wadi karaan baabuurta.

Sacuudi Carabiya ayaa markii ugu horaysay u ogolaatay dumar inay ku shaqaystaan qareenimo.

Mid ka mid ah dumarka loo ogolaaday qareenimada ayaa soo galisay internetka liisanka shaqada loogu ogolaaday, iyadoo u mahadnaqaysa dadkii taageeray in dumarka Sacuudiga loo ogolaado inay noqdaan qareeno. ilaa hadda, dumarka waxaa loo ogolaa oo kaliya inay la taliye ahaan u shaqeeyaan oo aysan matali karin qof maxkamada.

Sharciga Sacuudiga, ayaa sida dhaqanka uu yahay inta badan nimanka muhiimada badan siiya dacwooyinka maxkamada ee u dhaxeeya dumarka iyo ragga.