JD Congo inkaarta qayraadkeeda

Dagaalkii ugu khasaaraha badnaa wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee adduunka ayaa weli socda.

Waa dagaal ay ku dhinteen in ka badan shan milyan, malaayiin kalena waxaa ku dhacday gaajo iyo cudur, dhowr milyan oo dumar ahna waa lagu kufsaday.

Dagaalkii weynaa ee Afrika, dabkii weynaa ee saameeyay askar iyo rayid ka kala yimid sagaal waddan iyo mucaarad hubaysan oo aan la tirin karin ayaa lagu dagaallamay xuduudda halka waddan ee nasiibka daran ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo.

Waa meel loogu deeqay nooc walba macdanta, laakiin mar walba waddanka wuxuu galaa meesha ugu hoosaysa ee liiska lagu muujiyo UN Human Development Index, halkaasoo dadka saboolka ay ku nool yihiin xaalad aad u xun.

Image caption macdanta coltan ee loo isticmaalo mobileka iyo magnese ayay dadku sidaan.

Waxaan tegay Congo xagaagii si aan u ogaado taariikhda waddanka ee sababtay dagaalka iyo dowlad la'aanta.

Baaritaanka aan ku sameeyay taariikhda Congo ee xumaanta badan ay ku dhacday, anigoo sii maraya dagaalka hadda socda burburkiisa ayaa waxay ahayd wixii iigu xumaa ee aan la kulmo intaan shaqadayda watay.

Waxaan la kulmay dad la kufsaday, mucaarad, siyaasiyiin taajiriin ah iyo dad rayid ah oo dagaalka uu maskaxdooda wax u dhimay waddan aysan dowladda shaqaynayn.

Image caption Joseph-Desire Mobutu iyo Jacques Chirac

khasaaraha Congo waxay ka timid go'aannadii la gaaray shan qarni kahor.

Dhammaadkii qarnigii 15aad boqortooyo loo yaqaanay boqortooyada Kongo, ayaa xukumaysay galbeedka Congo, iyo waddamo kale sida Angola.

Waxay ahayd casri, waxay lahayd dad dabaqad sare u dhashay, bulsho rayid ah oo horumarsan.

Markii ganacsatada Boortaqiiska ay ka yimaadeen Yurub 1480kii, waxay ogaadeen inay heleen dhul khayraad badan leh oo qani ku ah dad fara badan.

Congo waxaa joogay dad u eg inaysan daaleyn oo cudur u adkaysan kara oo la addoonsado. Boortaqiiska waxay ogaadeen in dadkan la heli karo haddii qaaradda ay ka jirto dowlad la'aan.

Waxay sameeyeen wax walba oo ay ku baabi'inayaan dadka siyaasiyiinta ee hor istaaga ganacsigooda iyo addoomaysigooda.

Lacag iyo hub ayaa loo diray mucaaradka, ciidanka Congo ayaa la jebiyay, boqorkii ayaa la dilay, dadkii waddanka u talin jiray ayaa la dilay waxaana la dhiiri geliyay xilwareegin.

1600s, boqortooyadiii xooga badneyd, ayaa waxay isku beddashay hoggaan la'aan, gobollo dowlad la'aan ah oo dagaal sokeeye uu ka socdo. Dadka la adoonsanayo, kuwa dagaalka uu saameeyay ayaa la marsiiyay badda oo loo qaaday Maraykanka.

Ilaa afar milyan oo qof ayaa si khasab ah loo saaray markab webiga Congo. Maraakiib British ah ayaa ka qayb galay ganacsigaas. Magaalooyinka British-ka iyo ganacsatadii ayaa ka taajiray dadka reer Congo oo aysan mar kale arki doonin.

Xiriirkii ugu horreeyay oo ay Yurub la yeelatay dalka Congo ayaa qaabeeyay taariikhda dalkaasi intiisa kale.

Horumarkii ayaa carqaladi ku timid iyadoo Xukuumadda Congo ay ahayd mid daciif ah oo kala dambeyn weyn oo xagga qaanuunka aysan laheyn. Arrintani kuma aysan imaanin khalad ay leeyihiin shacabka Congo, hase ahaatee waxay ku timid danaha ay leeyihiin kuwa awoodda leh oo burburiyay, caburiyayna, isna hortaagay in ay timaado dowlad xasilloon sharci ah oo faragelisa danahooda, iyadoo mar horaba ay dadka Congo ku hanjabeen in ay faragelinayaan, sida sahlan ee lagu gurto kheyraadka qaranka.

Dalka Congo ayaa ah mid aad u weyn oo la 'eg baaxadda Galbeedka Yurub.

Dalku waxaa uu leeyahay biyo fara badan, waxaana dhex mara webiga labaad ee caalamka ugu weyn ee loo yaqaan webiga Congo. Waxaa kale oo dalku leeyahay cimilo macaan iyo ciidsan oo ay wax walba ku bixi karaan. Dhulka hoostiisana waxaa jiifa kayd fara badan oo macaadin ah oo ay ka mid yihiin Kober, Dahab, Dheeman Cobalt iyo Yuraaniyam iyo xitaa saliid oo dalka ka dhigaysa mid ka mid ah dalalka Adduunka ugu taajirsan. Taa beddelkeedii Congo waxaa weeye dalka Caalamka ugu rajada xun.

Dalka Congo gudihiisa waxaa daahfuray qarnigii 19naad Henry Morton Stanley oo ahaa sahmiye weyn oo u dhashay dalka Britain. Rajadiisii ahayd in beelaha dalkaas dega ee uu la kulmay uu ganacsi xor ah dhexmaro waxaa burburiyay boqorkii dalka Beljam Leobold oo goostay dhul aad u weyn. Halkaas ayaa waxaa laga aasaasay goobta ugu weyn caalamka ee laga qodo Rabbarka xilli baaskiillada iyo lugaha baabuurta iyo qalabka korontadu ay ahaayeen waxyaabaha ugu badan ee muhiimka ah ee laga soo saaro dalalka reer galbeedka.

Image caption Qariidada Congo

Si kheyraadkaas looga faa'iideysto ciidammada xaasidiinta ahaa ee Biljamka ayaa waxay soo xareyn jireen ragga Congo si hayin looga dhigo raggaasna waxaa guryaha laga shaqaaleyn jiray xaasaskooda, inta la hayo waxaa loola dhaqmi jiray si aad u fool xun. Ragga ayaa waxaa loo diri jiray keymaha si ay uga shaqeeyaan rabbarka. Amar diido ama gadood waxaa si dhaqsa ah looga jawaabi jiray ciqaab adag oo isugu jirta karbaash iyo in dadka gacmaha laga gooyo ama in la dilo. Malaayiin ayaa sidaa ku baxay.

Hogaamiyeyaasha qabaa'ilka ee awoodda u lahaa in ay iska caabin sameeyaan waa la khaarijin jiray. Arrintaana waxay horseedday in bulshadu burburto loona diido in ay wax bartaan.

Dhaqan waxashnimo ah oo ka kooban indheer-garatadii Biljamka oo ay dan ku qabaan in ay dalka iyo dadkiisa horumariyaan ayaa la abuuray oo muddo dheer jirtay.

Tallaabo la rabay in lagu soo afjaro dhibaatadaas, ayaa keentay in ugu dambeyntii dalka Biljamku uu si toos ah ula wareego dalka Congo. Hase ahaatee dhibaatadii hore ee gumeysiga ayaa weli ahayd mid sii socotay.

Dagaalkii Kowaad ee Adduunka ayaa raggii galbeedka bilaabay in ay ku dhintaan dalalkooda iyo meelo kaleba dhimashadana waxaa sababayay macdanta laga soo qodo dalka Congo.

Xorriyadaha Reer Galbeedka ayaa waxaa lagu difaacayay kheyraadka laga soo saaro dalka Congo, iyadoo dadka madowna loo diidanaa in ay xaq u yeeshaan in ay codeeyaan ama sameystaan ururro shaqaale ama kuwo siyaasadeed. Wax walba waa loo diiday dadkaasi oo ka fogaa aqoonta aasaasiga ah.

Image caption Uraniyamka loo isticmaalay bomka atomikada waxay ka timid Congo.

Dadkaas ayaa waxaa lagu hayay nidaam horumarineed oo aad gaabis u ah oo waxtar u lahaa dadka macdanta meelaha laga qodo iska leh iyo dadka xukunka haya. Hase ahaatee waxaa kale oo xitaa la hubsaday marka dalku xoroobo in aan la helin dad indhee-garad ah oo dalka u dhashay oo wax xukumi kara. Sidaa darteed madaxbannaanidii la gaaray sanadkii 1960kii ayaa waxay ahayd mid la saadaalin karay in ay ku dhammaaneyso masiibo.

Image caption Macdanta laga qodo waddanka ayaa badankood waxay ku xiran yihiin wabiga Kongo

Qeybo ka mid ah dalkii ayaa isla markiiba isku dayay in ay dalka intiisa kale ka go'aan. Ciidankii ayaa ka gadooday saraakiishoodii Biljamka ahaa. Dhowr toddobaad gudahooda ayaa waxaa dalkii isaga baxay indheergaradii Biljamka ee dalka xukumi jiray taas oo meesha ka saartay cid kasta oo xirfad u lahayd maamul ama maareynta dhaqaalaha. Shan kun oo ka mid ah shaqooyinkii dowladda ee xorriyadda kahor ayaa waxay dadka reer Congo ku lahaayeen saddex jago oo keliya, mana jirin qareen u shashay dalka Congo ama Injineer ama dhakhtar ama qof yaqaanay cilmiga dhaqaalaha. Qas ayaa ka dhacay gobolka oo dhan. Dowladihii waaweynaa ee dagaalkii qaboobaa ayaa kahor istaagay kooxihii dalka isku hayay in dhinacna ay yeeshaan gacanta sare.

Isagoo ku dhex milmay isqabqabsigaas, ayaa hoggaamiyihii halganka Congo, Patrice Lumumba, waxaa si xun u dilay mucaaradkii ay reer galbeedku taageerayeen. Nin adag oo milateri ah, Joseph-Desire Mobutu, oo ciidanka gumaystaha saajin ka ahaa ayaa xukunkii la wareegay.

Mobutu waxaa uu noqday keligii taliye. Sanadkii 1972 waxaa uu magaciisii u beddelay Mobutu Sese Seko Nkuku Wa Za Banga, oo macnaheedu yahay dagaalyahanka awoodda buuxda leh. Reer galbeedku way u dulqaateen maadaama ay macdantu u socotay xaggooda, dalka Congo-na uu dibadda ka joogay xerada Soviet-ka.

Isaga, qoyskiisa iyo asaxaabtiisu waxay dalka ka dhaceen balaayiin dollar, qasri ay ku baxday 100 milyan oo dollar ayuu ka dhistay dhulka miyiga fog ee Gbadolite. Waxaana laga g dhisay garoon dayuuradeed oo ay ku degi karaan dayuuradaha waaweyn ee Concorde si uu uga soo adeegto magaalada Paris.

Mucaaradka waa la jirdili jiray ama waa la iibin jiray, wasiirradu waxay dhici jireen miisaaniyadda oo dhan. Reer galbeedku waxay u oggolaadeen xukuumaddiisa inay soo deynsato balaayiin dollar oo marka dambe la xado, ilaa maantana Congo lacagtaas way bixisaa.

Sanadkii 1997 isbahaysi waddammada Afrikaanka ah ee ay deriska yihiin, oo dalka Rwanda uu horseed ka ahaa, oo iyagu ka caraysnaa sida Mobutu u maamulayo Congo ayaa waxay hoy siiyeen qaar badan oo ka mid ah kuwii geystay xasuuqii sanadkii 1994, ayaa weerar ku qaaday, kaddib markii ay go'aansadeen inay ka takhalusaan Mobutu.

Image caption Ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ee jooga Congo.

Nin reer Congo ah oo dibadda ku noolaa, Laurent Kabila, ayaa laga keenay Afrikada bari si looga dhigo hoggaamiye. Ciidammada Congo oo lacag la'aan haysay ayaa ka horjeestay madaxdooda, taasoo keentay in asaxaabtii madaxweynaha ay kala cararaan.

Image caption Madaxweynaha JD ee Congo Joseph Kapila oo lahadlaya baarlamaanka

Mobutu dayuurad ayuu ku qaatay wixii qiima lahaa ee uu qaadan karay iyadoo askartiisu ay dayuuradda xabbado ku ridayaan ayuu baxsaday. Markii xukunka loo dhiibay Kabila oo daba dhilif u ahaa Rwanda waxaa uu diiday inuu yeelo wixii loo sheego.

Mar kale ayay Rwanda weerar soo qaadday, laakiin markaan waxaa celiyay xulafadeedii Afrikaanka ahaa oo xilligan iyagu mid-mid isugu soo jeestay, dalka Congo-na dagaal xun geliyay. Ciidammo shisheeye ayaa ku dagaallamay gudaha dalka Congo maadaama dowladda dalkaasi gebi ahaanba burburtay isla markaana fowdo ku baahday dalka oo dhan. Heshiis nabadeed oo aan caga adag ku taagneyn ayaa toban sano kahor la qabanqaabiyay. Bariga fog ee dalka Congo, dagaal ayaa mar kale ka qarxay halkaas oo ay isku hayaan kooxo maxilli ah iyo kuwa caalami ah oo la dagaallamaya ciidammada dowladda Congo iyo kuwa Qaramada Midoobay.

Boortaqiiska, Belgium-ka, Mobutu iyo dowladda hadda jirta dhammaantood waxay si ula kac ah u cabburiyeen inay dowlad xoog leh dalkaas ka dhalato waayo taasi waxay fara gelinaysaa danahooda koowaad oo ah inay ka faa'iidaystaan macdanta dhulkaas ku jirta. Balaayiin dollar oo laga sameeyay kheyraadka dalka waxba sooma kordhin aan ka ahayn dhibaato iyo dhimasho dadka saboolka ah halka ay ka taajireen kooxda xukunka haysa iyo taageerayaashooda shisheeyaha ah.