Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haweenka ka shaqeeya Suuqa Eastleigh

Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaa soo wajaha culeys dhanka dhaqaalaha ah marka ay maareynayaan nolosha caruurtooda iyo mararka qaar nimankooda. Haweenka ay u joogaan caruur yaryar ah ayuu culeysku ku sii badan yahay.

Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay haweenka bilaabeen inay u istaagaan nolosha qoysaskooda taasoo culeys dhaqaale keentay. Shaqo la'aan sare, qoysaska oo kala tago iyo sababo kale ayaa qasab ka dhigay in haweenka ay u istaagaan nolosha reerahooda.

Cabdifitaax Ibraahim Cagayare, ayaa waxaa uu la kulmay mid ka mid ah hooyooyinka ganacsiga yaryar ku leh Nairobi, sidaasna reerkeeda ku biisho.