Madaxweynaha Djibouti
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ismaaciil Cumar Geelle: AMISOM ma joogayso haddii la tayeeyo ciidammada Soomaaliya

Madaxweynaha Djibouti oo booqasho rasmi ah ku joogo Washington ayaa sheegay inuu madaxweyne Obama kala hadlay qalabaynta ciidammada dowladda Soomaaliya.

Geelle ayaa sheegay in ciidammada AMISOM aanay sii joogayn haddii la tayeeyo kuwa dowladda.

Weriyaha BBC-da ee Maraykanka, Maxamad Xaaji Xuseen Shiine, ayaa wareystay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo ugu horreyn weydiiyay waxay ka wada hadleen Obama.