Maxay Libya sharci daro u tahay?

  • 20 Maajo 2014

Su'aal iyo Jawaab

Maxay Libya sharci daro u tahay?

Libya ayaa waxaa ka socda dagaalo tan iyo markii xukunka laga riday Col Mucamar Qadafi Oktobar 2011. Maleeshiyo ayaa maamusha meelo badan oo dowladdo isku xiga ay ku adkaatay inay la wareegaan.

Yaa xukuma Libya?

Qofna ma xukumo Libya, dhibaatadu waa midaas. Waxaa jira dhowr koox oo hubaysan ilaa 1700 oo dano kala gooni ah leh. Laakiin lacag iyo xukun raadis ayay wadaagaan.

Waqtigii kacdoonka qof walba oo qori haysta wuxuu helayay awood, dadka qaarna ma doonayaan inay taas badalaan. Waxay u eg yihiin inay doonayaan inay dhul dheeraad ah qabsadaan oo ay maamulaan.

Sidoo kale waxay ku kala qaybsan yihiin mabda ahaan, qaar waxay yihiin islaamiyiin, qaar mucaarad qaarka kalena waxay aaminsan yiiin siyaasad xor ah. Intaas waxaa dheer maleeshiyooyinka ayaa u kala qaybsan gobolo iyo qabiilo. Dadka qaar waxay ka baqayaan in Libya uu ka dhaco dagaal sokeeye.

Waa noocee maleeshiyada?

Maleeshiyada way ku midaysnaayeen la dagaalanka Qaddafi, ma jirin qof xukumay mucaaradka. Maleeshiyada waxay joogeen magaalooyin kala duwan iyaga oo dagaalo gooni ah ka dagaalamayay.

Dad badan ayaa dareemaya inay wax badan dhumiyeen waqtigiii dagaalka waxayna sugayaan abaalmarin. In kabadan afartan sanno oo ay ku jireen xukun kaligii taliye, ma fahansana dimoqraadiyada. Sidaas darteed ma samayn karaan dowlad loo dhan yahay oo sharci ku shaqaysa. Sidaa awgeed Libya waxay yeelatay shan dowladood tan iyo 2011-dii.

Ma aysan helin miyaa caawinaad caalamka?

Waxay helaan wax yar. Maraykanka ayaa balanqaaday inuu caawiyo dowladda cusub sidii ay hubkeeda u soo ceshan lahayd, gaar ahaan gantaalaha lidka ku ah diyaaradaha oo la waayay markii Qadafi xukunka ka degay.

Laakiin Libya ayaa waxay tahay meel dadka ka faaleeya ammaanka ay ku tilmaamaan suuqa hubka, waxaa ka buuxa hub oo gacanta u galay maleeshiyo kale ee dalalka gobolka. Ma jiro cid dhexdhexaadinayso, ha noqoto reer galbeedka, dowladaha carabta iyo Midowga Afrika.

Waa noocee maleeshiyada Libya

Ansar al Sharia ayaa la sheegayaa inay yihiin kooxda islaamiyiinta ee ugu qatarsan. Waxaa la sheegayaa inuu xiriir la samaystay islaamiyiin kale. Dadka ka faalooda ayaa sheegaya in Ansar al Sharia ay u joogaan niman u dagaalama Suuriya inkastoo aysan jirin si madaxbanaan oo loo xaqiijiyo.

Waa kuma Col Khalifa Haftar?

Col Haftar wuxuu caawiyay Col Qaddafi inuu xukunka qabsado 1969, wuxuu qayb wayn ka qaatay howlgalkii milatari ee Libya ee dalka Chad 1980-meeyadii. Kadib wuxuu macaarad ku noqday Qadafi oo wuxuu u fakaday Maraykanka.

Siday dareemayaan dadka reer Libya?

Badankood waxay ku nool yihiin cabsi, waana inay u guuraan meel ammaan ah markuu dagaal bilowdo. Waxay dareemayaan in waxii ay doonayeen laga hor istaagay, sida Masar iyo Tunisia.

Laakiin xaalada Libya way ka duwan tahay, sababtaas darteed ayaa milatariga uu kala qaysamay Libya markuu Qadafi dhacay. Libya malahayn kooxo siyaasiyiin oo dhisan, sida Akhwaan Muslimiinta Masar iyo Ennahda oo ka jirta Tunisia.