Afrika: 2 milyan oo carruur ayaa dhimata

Lahaanshaha sawirka Unicef
Image caption Unicef

Hayadda Qaramada Midoobay ee carruurta ee Unicef, ayaa sheegtay in laba milyan oo carruur ah oo da'dooda ay ka yar tahay shan jir ay sanad walba dhintaan galbeed iyo bartamaha Afrika.

Hayadda ayaa sheegtay, inkastoo ay jireen horumar laga gaaray ka hortaga dhimashashada caruurta, tirada ayaa wali ah laba milyan sababtoo ah dadka oo kordhay.

Unicef ayaa gaar ahaan sheegtay tirada dadka Nigeria ee badanaysa, taasoo la filayo inay gaarto afar boqol iyo konton milyan sanadka markuu yahay 2050.

Unicef waxay sheegtay in loo baahan yahay in la kordhiyo aqoonta dadka ee tirada carruurta ay dhalayaan.