Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sharciga cusub ee tagaasida Minneapolis

  • 21 Luulyo 2014

Dawlada hoose ee magaalada Minneapolis ee Maraykanka, waxay oggolaatay sharci cusub oo ay soo dhaweeyeen tagsiilayaasha, darawalada magaalada ka shaqeysta.

Darawalada iyo mulkiilayaasha tagaasida oo u badan dhalinyaro Soomali iyo Afrikada bari ka soo jeeda, ayaa muddo waxay ka cabanayeen shuruucda u dhigan gaadiidka yar yar ee dadweynaha.

Abdi Warsame, oo dhawaan loo doortay gudoomiyaha degmada 6-aad ee magaalada Minneapolis, ayaa xafiiskiisu wuxuu diyaariyey sharciga cusub ee golaha deegaanka Minneapolis uu ansixiyey..wuxuuna u faahfaahiyey sharciga iyo waxa laga faa'daysan doono.