Shirka Maraykanka iyo Afrika

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Iyadoo madaxweyne Barack Obama uu martigalinayo shirkii ugu horeeyay ee Maraykanka iyo Afrika, oo martiqaad loo diray konton hogaamiye, Alexis Akwagyiram, ayaa eegaysa waxa Maraykanka rajaynayo inay ka soo baxaan kulanka.

Micheal Kimbi Tchenga ayaa ku faraxsan mustaqbalkiisa.

Wuxuu ka mid yahay dhalinyaro ka timid Limbe ee Cameroon oo u timid in madaxweyne Obama uu la hadlo.

Mr Tchenga, oo joogay bilihii ugu danbeeyay Maraykanka si uu uag qayb qaato barnaamij loogu tala galay sidii loo diyaarin lahaa hogaamiyayaasha Afrika ee mustaqbalka ayaa ka waramay waxa uu la kulmay.

"Markaan inta imaanay waxaan aragnay fikrada dadka ay ka qabaan Afrika inay tahay meel mugdi ah - meel kayn ah oo dadka ay dagaalamayaan cuduradana ay dhamaynayaan dadka ku nool guryaha jiingadaha" ayuu dhahay.

"Waxay ahayd inaan fikradahan badalno. Waxaan nahay dad tacliiin leh, waxaana leenahay warar wanaagsan oo aan laga arkin warfaafinta reer galbeedka".

"Fursadan, ayaa noo suurto galisay inaan sheekno sheekooyin wanaagsan oo aan muujino Afrika inay cod leedahay."

Mr Tchenga wuxuu ka mid yahay 500 oo arday Afrikaan ah, iyo bulshada rayadka oo Mr Obama la hadlay maalmo ka hor intaysan u iman hogaamiyayaasha Afrika saddex maalmood kulan loogu magacdaray "maalgalinta dadka mustaqbalka."

Madaxweyne Obama ayaa rajaynaya sida uu doonayo inay la qabaan hogaamiyayaasha Afrika.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Madaxweyne Obama ayaa bilaabay sanadkii hore barnaamijka Young African Leadership initiative. (YALI)
Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Barnaamijka ayaa u ogolaaday 500 dhalinyaro hogaamiyayaal inay kordhiyaan xirfadooda iyo taqasuskooda.

Kulankan ayaa la sugayay tan iyo intii Madaxweyne Obama uu balanqaaday markii saddex waddan ee Afrika ee Senegal,Tanzania iyo Koonfur Afrika uu booqashada ku tagay sanadkii hore.

Markuu la hadlayay dhalinyarada Afrika Madaxweyne Obama ayaa sheegay: "ammaanka, horumarka iyo cadaalada oo aan adduunka ka doonayno inaan la heli karin hadii aysan jirin Afrika oo horumarsan, awood leh oo isku filan".

Wuxuu sheegay inay tahay in la joogo waqtigii hogaamiyayaasha Afrika ay xal u heli lahaayeen dhibaatooyinka Afrika.

"Shaki kuma jiro hadii dib loo eego waqtigii gumaysiga, inaad heli kartid dhibaatooyin badan ee Afrika soo maray" isagoo sheegaya sida xuduudaha loo qaybiyay iyo qayraadka laga qaatay.

"Laakiin mar, waa inaan joojinaa inaan fiirino in xalka laga helayo meel kale, waana inaad xalka ka raadisaa gudaha.

Sida taariikhda ay u wayn tahay, waana u baahan tahay taariikhdaas, mar waa inaad fiirisaa mustaqbalka, oo aad tiraahdaa inkastoo markii hore aanan helin wixii aan doonayay, aan hubino inaan la samayn marmarsiiyo inaan horay loo socon".

Dhaqaalaha kordhaya

Mr Obama ayaa sheegay in shirka US-Africa inuu noqon doono mid taariikhi ah, kaasoo ah kulankii ugu waynaa uu madaxweyne Maraykan uu u qabto hogaamiyayaasha iyo dowladaha Afrika.

Konton hogaamiyayaasha Afrika ayaa la marti qaaday, iyo madaxa Gudiga Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini Zuma.

Yaan la marti qaadin?

  • Robert Mugabe, Madaxweynaha Zimbabwe.
  • Cumar al-Bashir, Madaxweynaha Sudan.
  • Catherine Samba-Panza, Madaxweynaha kumeel gaarka ee Jamhuuriyada Afrikada Dhexe.
  • Isaias Afewerki, Madaxweynaha Eritaria.

Madaxweynayaasha intooda badan ayaa ka qayb gali doona, inkastoo madaxweynaha Sierra Leone iyo Liberia ay go'aan ku gaareen inaysan aadin si ay uga wada shaqeeyaan cudurka Ebola ee ka dilaacay waddankooda oo ay ku dhinteen 700 galbeedka Afrika.

Dowladda Maraykanka ayaa doonaysa inay xooga saarto ganacsiga ito maalgashiga.

Hayadda lacagta Adduunka ee IMF ayaa saadaalinaysa in dhaqaalaha waddamada Afrika ee ka hooseeya saxaaraha uu kordhi doono 5.4% sanadkan iyo 5.8% sanadaka 2015ka - taasoo ka dhaqso badan sida caadiga ee caalamka - baaqa loo jeedinayo hogaamiyayaasha madaxda qaarada waa cadahay.

Xoghayaha Ganacsiga ee Maraykanka Penny Pritzker ayaa sheegay in ilaa heshiis $900m heshiis Shirkadaha Maraykanka iyo dalalka Afrika lagu dhawaaqi doonowaqtiga shirka.

Falanqayn: Solomon Mugera, Madaxa BBC Africa Service

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Waa wax aan dhici karin inay tahay shirkii ugu horeeyay ee Afrika iyo Maraykanka. Waddamo badan ayaa la shaqaynayay Maraykanka si dhow dhinaca la dagaalanka argagixisada sida Nigeria iyo Kenya.

Laakiin Maraykanka ayaa doonaya inuu xooga saaro shirkan ganacsiga iyo maalgashiga, shirkado badan oo Maraykan kama shaqeeyaan Afrika. Shiinaha ayaa aad u jooga suuqa Afrika, oo ka soo baxaya Maraykanka sanadihii danbe.

Shirka waa talaabo muhiim ah, inkastoo fariin adag la diri lahaa hadii lagu qaban lahaa qaarada. Waa fursad lagu dhisayo xiriir soke.

Laakiin waqtiga ayaa aad u gaaban inay yeeshaan wadahadalo dheer Madaxweyne Obama iyo madaxda Afrika si gooni gooni ah.

Sidaas darteed shirka ayay u eg tahay inuusan badali doonin wax wayn. Hogaamiyayaal badan Afrika waxay jecel yihiin inay la shaqeeyaan Shiinaha hal sabab darteed: Xushmo. Waxay xushmo ka raadinayaan Mr Obama, madaxweynaha Maraykanka oo waalidkiis ay ka imaadeen Afrika.

Saamaynta dheer ee shirkan waxay ku xiran tahay in Mr Obama uusiiyo waxay u baahan yihiin.

Shiinaha ayaa sanadkii la leh Afrika ganacsi dhan $200 bilyan, markii la barbardhigo Maraykanka oo ah $85 bilyan.

Inkastoo Maraykanka uu yahay dhaqaalaha ugu way Adduunka, Maraykanka waa waddanka saddexaad ee ugu wayn ee Afrika ganacsiga la leh.

Waxay ka danbeeyaan Midowga Yurub iyo Shiinaha.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Sanadkii hore Madaxweyne Obama ayaa booqday Sanegal,Tanzania iyo Koonfur Afrika.

Shiinaha, Japan, Hindiya iyo Yurub ayaa qabanayay Shirka Afrika tan iyo markii Shiinaha uu bilaabay 2001dii.

Madaxweynihii ugu horeeyay ee Afrikaan-Maraykan ah ayaa mararka qaar lagu eedeeyaa inuu dayacay xiriirka qaarada.

Inta aan ka ahayn safarkii uu ku tagay Afrika 2013, wuxuu sameeyay laba safar Afrika madaxweyne Obama intuu xilka hayay. Mar uu si gaaban u booqday Ghana, iyo safarkii Koonfur Afrika ee aaskii Nelson Mandela.

Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in shirka uu noqon doono mid lagu hormariyo xiriirka dadwaynaha oo aysan ahayn talaabo lagu samaynayo siyaasado.

Mr Obama ayaa rajaynaya inuu beeniyo dadka dhaleecaynaya shirka oo wax qiimo leh ay ka soo baxaan.