Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

13+ oo la kulantay Soomaalida Turkiga

Urur dhalinyaro Soomaali oo lagu magacaabo 13+ ayaa shalay kulan kula yeeshay magaalada Istanbul ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga wax ka barta.

Ujeedka kulankaasi ayaa lagu sheegay in lagu wacyi iyo dhiirigelinayo ardayda Soomaaliyeed si ay gacmaha isku qabsadaan oo dalkooda wax ugu qabtaan.

Shama Cisman Wardheere, waa agaasimaha ururka dhalinyarada ee 13+ waxa ay khadka Telefoonka ee magaalada Istanbuul ugu warrantay weriyaha BBC-da Suheyba Maxamed Badqas.