WhatsApp: Maxay yihiin calaamadaha saxda oo kale ah?

Lahaanshaha sawirka bbc somali

Maxay ka dhiganyihiin calaamadaha saxda ah ee buluuga ah ee WhatsApp?

Waa arrin in badan oo inaga mid ah soo marta. Marka aad fariin muhiim ah ka dirto WhatsApp waxaad si dhaw uga war dhawri jawaabta.

Marka hore fariintii aad dirtay waxaa hoosteeda ka soo muuqan calaamada saxda ✓ oo midabkeedu cawlan-yahan, waxyar kaddibna waxa ay noqon labo. Wax jawaab ah haddaad waydo waad niyad jabi.

Waxaad iswaydiin fariintaadii muhiim ka ahayd miyaa la iskaidhotiray mise waxkale ayaa jira?

dhambaalka muhiimka ah ayaa waxa uu yahay in ilaa iyo hadda inbadan oo ka mid ah dadka isticmaala WhatsApp ay si khalad ah ugu haysteen in labada calaamadood ee saxda ah ✓✓ ee cawlan ay ka dhiganaayeen in qofku uu akhristay ama arkay fariintoodii.

Haddaba calaamadahaasi Maxay matalayaan

Xaqiiqaduse waxa ay tahay in labadaasi calaamadood ✓✓ ay muujinayaan in taleefankii kale ay gaartay balse aysan ahayn in qofkii taleefanka lahaa uu fariinta akhristay.

Websiteka rasmiga ah ee WhatsApp ayaa xaqiijiyay in ay soo kordhiyeen adeeg cusub, kaas oo ah in aad ogaan doonto marka uu qofku fariintaada akhriyo.

In fariintaada la akhriyay waxaa hadda kadib kuu xaqiijinaya in labadan calaamadood ✓✓ ee horay u cawlanaan jiray ay isu badali doonaan buluug.

Haddii aad idinka oo koox ah ku sheekaysanaysaan waxa ay calaamadahaasi buluug isu badalidoonaan marka uu akhristo qofkaste oo aad fariintaas u dirtay.

Labada calaamadood ee ✓✓ haddii ay cawlan yihiina waxa ay kadhigantahay in dadkaas taleefanadooda ay gaartay.

Aaladaha kale ee fariimaha laisaga diro ayaa calaamadahan ✓✓ isticmaala sida facebook.

Balaayiin fariimo ah ayaa laisu diraa

Markii u horeysayt Sanadkii 2013 fariimaha laisagadiro sida iMessenger oo ay leedahay Apple, WeChat iyo Viber ayay fariimaha laga diro ka bateen kuwa caadiga ee mobile ka laisaga diro,

Shirkadda cilmi baadhista samaysa ee Informer ayaa ogaatay in 19 bilyan oo fariimood la isaga diray App-ka 2012, Marka la barbardhigo fariimaha mobileda caadiga ah laisaga dirana waxa ay noqdeen 17 milyan.

Barnaamijka BBC ee Newsbeat ayaa la xiriiray WhatsApp si ay si rasmi ah ooga hadlaan arrinta ku saabsan labada calaamadood ee buluuga ah ee sax-da loo yaqaano ✓✓.