Dadka Ingriisku, ma ka hadli karaan arrimaha qowmiyadaha kala midabka ah, mise afka ayaa la qabtay?

Image caption Dadka caddaanka ah waxa ay rumeysan yihiin in dadka soo galootiga ah ee tirada badan wax laga qabto.

Dalka UK waa dal ay ku nool yihiin bulshooyin kala duwan. Laakiin in intee le’eg ayaa dadku ka hadli karaan arrimaha ku gedaaman midabka iyo qowmiyadaha dadka?

Haddaba barnaamij ‘dokumantari’ ah oo lagii sii daayey TV Ingiriis ah ayaa guddoomiyihii hore ee ururka sinnaanta dadka ee UK, Trevor Philips wuxuu ku sheegay arrimo badan oo xasaasi ah.

Waxaana ugu weynaa waxyaabaha xasaasiga ah, isagoo sheegay in halgankii loogu jiray in dadka madow iyo qowmiyadaha laga tirada badan yahay ay helaan xaqooda iyo ixtiraamka mujtamaca Ingiriiska dhexdiis ah, ay arrintaas keentay in wax badan aan laga hadli karin oo ku saabsan arrimaha dadka soogalootiga ah iyo qowmiyadaha kala duwan.

Waayo dadkii caddaa ee Ingiriiska ahaa waxay ka baqdeen in looga shakiyo takoor iyo cunsurunimo.

Haddaba, isagoo ahaa Guddoomiyaha Guddiga Sinnaanta ee qowmiyadaha laga badan yahay ee madow muddo toban sano ka hor ah, ayaa Trevor Philips waxaa uu usbuuc walba dhowr maalmood booqasho uu ku tagi jiray daafaha dalkan Ingiriiska si uu ula kulmo xubno ka mid ah dadyowga laga tiro badan yahay.

Isagu waxaa uu ka soo Jeedaa qoys madow oo ka yimid jasiiradaha Karabiinka, waxa ayna shaqadiisu ahayd in uu dadka isu soo dhaweeyo, oo si fiican loo wada noolaado dhammaan dadka kala duwan ee dalkan ingiriiska kasoo jeedaa.

Lakiin, waxaa uu dhawaan qirtay inkastoo oo uu ogaa in ay kooxaha qaar fikrado xagjir ah qabeen haddana uusan isagu ka fal-celin.

Kadibna, 2005 waxaa dhacay isqarxintii London oo ay ku dhinteen 52 qof, isla markaana qaar badani ku dhawacmeen, waxaana qaraxayada geystay Islamiyiin ku dhashay halkani oo ah Ingiriiska muslim ah.

Haddaba, Mr Phillips ayaa hadda isweydiinaya inuu mas’uuliyad shakhsi ah ku leeyahay wixii dhacay, maadaama uusan horay u sii garan waxa soo socday.

Haddaba muxuu digniin uga sii bixin waayay?

Barnaamij dukumentari ah, oo magaciisa la yiraahdo (waxyaabaha aynaan dhihi karin ee khuseeya midabka dadka, lakiinse runta ah), ayuu Mr Phillips ku sheegayaa in haldoorka siyaasadda iyo saxaafadda Ingiriisku ay aad uga baqdaan in ay ka hadlaan arrimaha qowmiydaha kala duwan, iyagoo ka baqaya in lagu sheego in ay cunsuriyiin yhiin, oo ay dadka madow neceb yihiin.

Waxaa uu sheegnay in cabsidan laga baqayo arrimahani ay keentay laba arrimood, oo midda hore ay tahay in aan laga hadlin dhibatooyinka bulshada ama qowmiyadaas dhexdooda ka jirta, kadibna xal looma helayo mar hadaan arrinkiiba toos looga hadlayn.

Midda labaadna, waxaa soo baxay dhaqdhaqaayo siyasadeed oo ka dhashay carada ay dareemeen dadka dhulkan u dhashay, gaar ahaan caddaanka Ingiriiska oo arkaya waddankoodii oo isbadalaya haddana aanay waxba ka dhihi karin.

Waxay u eg tahay in arrintan ay ka hadlayso tageerada badan ee uu helayo xisbiga UKIP ee dalka Ingiriisku, kaasi oo raba in uu xaddido soo galootiga isla markaana raba in Ingiriiska uu ka saaro Midowga Yurub.

Qaar badan, oo ka tirsan musharaxiinta iyo tageerayaasha xisbigani, ayaa sheegaya in la caburiyey, oo aanay si xor ah uga hadlin dhibatooyinka dadka soo galootiga ahi ku hayaan ama culayska ay ku soo kordhiyeen bulshada Ingiriiska ah, sida guryaha iyo shaqooyinka dalka, haddii ay arrimahan ka hadlaanna loogu yeerayo cunsuriyiin.

Caddaalad darada ijtimaaciga ah.

Kaddib markii ay dheceen dambiyo badan oo ku saabsan carruur la fara-xumeeyey iyo danbiyo galmada ah, oo ay qayb ka ahayeen xubno ka tirsan bulshooyinka laga tirada badan yahay, ayaa tooshka aad loogu ifiyey arrimaha ku saabsan qowmiyadaha madow iyo kuwa kale ee laga tirada badan yahay sida loola dhaqamayo.

Magaalada Rotherham ee waqooyiga Ingiriiska, ayaa kooxo ciyaal suuq ah oo asalkoodu yahay Pakistan, waxay sanado badan ku xad-guudbayeen hablo da’doodu yar tahay oo iska dhibaataysan.

Kaddib markii baaritaan la sameeyay, waxaa la ogaaday in shaqaalaha arrimaha bulshada iyo booliisku ay indhaha ka qabsadeen arrimahani, iyagoo ka baqaya in lagu tilmaamo cunsuriyiin.

Waxaa kaloo jirtay warbixin xaqiiqo raadis ah, oo laga qoray jirdilkii iyo dilkii gabar yar oo 8 jir ah oo la oran jiray Victoria Climbie, oo ay dishay gabar eedo labaad u ahayd. Labaduba waxay ka yimadeen dalka Ivory –Coast – waxaa taana la ogaaday inay kooxdii qaabilsanayd wax ka qabshada arrimahan aysan cadaadiskii loo baahaa saarin, iyagoo isleh armaa la idin yiraahdaa waa cunsuriyaal.

James Dellingpole, oo ah taftiraha barta intarnetka Breitbart ee ka hadasha arrimahani, ayaa sheegay in Trevor Philips arrimahan uu ka hadlay ay ‘yihiin xaqiiq dhab ah’ wuxuuna yiri BBC ma sii daynin karteen mowduuc kan la mid ah, iyadoo laga baqayo in la yiraahdo waa cunsuriyiin, wuxuuna yiri ninkii aan madow ahayn arrimahan sidan ugama hadleen.

Toddobaadkii hore dalka Ingiriiska, waxaa shaqada laga joojiyey soo jeediyahii barnamijka Top Gear Jeremy Clarkson oo lagu eedeeyey in uu feer ku ganay mid ka mid ah soo saarayaasha barnaamijkiisa.

Dad badan oo Ingiriis ah ayaa ka carooday waxa ayna sheegeen in ay khatiyaan ka joogaan habka loogu yeero ‘sida saxda ah u hadal’ ama afka Ingriiska ‘political correctness’.

Oraahdan ‘sida saxda ah u hadal’ ayaa qofba meel ka taagan yahay, iyadoo dadka qaar u haystaan in ay tahay in aad si xurmad leh oo tifaftiran aad dadka ula hadasho, qaar kalena waxay u arkaan in ay tahay oraah lagaga hor tagayo doodda xorta ah .

Jeremy Clarkson, ayaa hore loogu ganaaxay in uu yiri ereyo xambaarsan cunsuriyad, oo ay ku jireen magacyada dalalka Thailand iyo Itoobiya.

James Dellinglope, oo ka hadlayay tageerada badan ee uu helay Jeremy Clarkson, ayaa sheegay in ay muujinayso ‘sida dadku uga daaleen in sidii carruurta mar walba wax loo sheego’. Waxaana uu sheegay in ‘dad badani ay u arkaan in uu yahay codka kaliya ee dhabta ah ee BBC jooga. Waxaanu u hadlaa siday dadku u hadlaan jooga mkhaayadaha iyo suuqyada dalkan ingiriiska’ .

Mawduucyada Xasaasiga ah.

Hadalkan ‘sida saxda ah u hadal’, ayaa dad badani u haystaan in ay tahay in aad si xurmad leh oo aan xanaf lahayn in aad u hadasho, qaar kalena waxay u arkaan in ay tahay oraah halis ah, oo arrimo kale looga gol leeyahay, waxaa ka mid ah dadkanRupert Murdoch, oo ah maalqabeen weyn oo leh warbaahin caalami ah.

Wuxuu twitter-kiisa kusoo qoray bishii Febraayo ‘sida saxda ah u hadal waxay caburisay xornimo hadalka, aaway ilbaxnimadeenii‘ Haddaba, lama dafiri karo in dalkan Ingiriiska uu isbadalay, waayo dad badan baa soo galay oo ajaanib ah lakiin, suurtagal ma tahay in laga hadlo cawaaqibka dadka halkan yimid?

Sundar Katawala’soo ka tirsan ururka British future waxay qabataa doodoo arrintani qoomiyadaha kala midabka ah lagu gorfeynayo , waxaanu sheegay in dadka cad ee ingiriiska ahi ay inta badan aanay soo jeedin karinin laga doodo mawduucayada xasaasiga ah sida arrimaha dadka soo galootiga ah.

Waxaanu Sundar yiri ‘ waa inaynu ka doodno arrimaha ku saabsan qowmiyadaha kala midabka ah, waa arrin kuligeen na khusaysa, waa inaynu ku dhiiranno in aanu arrintani qowmiyadaha kala midabka duwan ka doodno, aadaabta iyo is xurmayntu way fiican tahay lakiin, maaha in aan laga doodin arrimahan’ ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay.