Aasiya oo waxbarashada ku sareeysa

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Waxbarasho

Waxaa la shaaciyay qiimeyntii ugu weyneyd ee caalami ah ee ku saabsan waxbarashada iskuuladda.

Waxaa shanta kaalin ee ugu horeysa galay dalalka Aasiya, halka kaalimaha ugu dambeeyana ay galeen dalal Afrika ku yaalla.

Qiimeynta ayaa waxaa sameysay hay’adda daraasada dhaqaalaha sameysa ee magaceeda loo soo gaabiyo OECD, oo isbarbar dhigtay iskuuladda waxbarasho ee ku yaalla 76 wadan.

Shanta kaalin ee ugu horeeya ayaa waxaa kala galay dalalka Singapore, Hong Kong, Koonfurta Korea, Taiwan iyo Japan oo dhammaantood ku yaalla qaaradda Aasiya.

Shanta kaalin ee ugu dambeeya qiimeynta waxaa iyana galay dalalka Cummaan, Morocco, Honduras, Koonfur Afrika iyo dalka Ghana oo galay kaalinta ugu dambeysa ee 76-aad.

Dalka UK ayaa galay kaalinta 20-aad, halka Mareykankana uu galay kaalinta 28-aad.

Image caption waxbarashada Aasiya

Singapore, oo gashay kaalinta koowaad ayaa sanadkii 1960-kii waxaa ka jiray heer aad u sareeya oo aqoon la’aan ah, waxaana taasi ay muujineysaa hormarka waxbarasho ee uu dal ku tallaabsan karo.

Qiimeynta ayaa lagu saleeyay imtixaannada caalamiga ah ee ardeyda dalalkaasi ay u fadhistaan, iyada oo isku si loogu xisaabay dalalka hormaray iyo kuwa soo koraya.

Natiijada kasoo baxday qiimeyntaasi ayaa si rasmi ah loo hordhigi doonaa, shir caalami ah oo looga hadlayo waxbarashada aduunka, kaasoo todobaadka soo socda ka dhacaya dalka Koonfurta Kurea.

Qaramada Midoobay ayaa shirkaasi ku soo bandhigi doonta yoolka sare u qaadida waxbarashada adduunka, marka la gaaro sanadka 2030-ka.