Turkiga oo dagaalka IS daawan jiray oo qayb ka ah

Lahaanshaha sawirka
Image caption Ra'iisalwasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa la hadalaya ciidankiisa iyadoo la adkeeyay ammaanka.

Toddobaad gudahiis, ayaa Turki noqotay inay ka qayb qaadato la dagaalanka IS iyadoo markii horee dhinac ka joogsatay. Waxay u furtay saldhigeeda isbahaysiga caalamiga ee la dagaalamaya IS, iyadoo isla markaasna ku qaadaysa weerar cirka ee kooxda PKK ee Kurdiyiinta ee doonaya inay goostaan ee Waqooyiga Ciraaq.

Maxaa Keenay isbadalka dhaqsaha ah?

Bilooyin Ankara ayaa diidanayd in milatari ahaan ka qayb qaadato isbahaysiga caalamiga ah ee la dagaalanka IS. Waxay ku adkaysatay in weerarka lagu daro Madaxweyne Assad ciidamadiisa. Maraykanka ayaa jawaabtiisa ahayd, in cadawga ugu horeeya uu yahay IS, iyo dhibaatada Assad in dib loo dhigo.

Laakiin sharuudii labaad ee Turkey, in la sameeyo meel dayuuradaha aysan dulmari karin waqooyiga Ciraaq, ayaa suurto gal ah.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Rabshado ayaa ka dhashay Turkey qaraxa xuduuda kadib.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in meel ammaan ah xudduuda Turkiga, oo IS aysan iman karin in la samaynayo, waxaana ilaalinaya diyaaradaha isbahaysiga. Taas ayaa qayb wayn ka ah in Turkiga ay dagaalka ku biirto.

Dowladda Turkiga ayaa waqti badan lagu eedeyay inay taageerto jihaadiyiinta ka soo horjeeda dowladda Assad, iyo inay iska indho tirtay xoogaysashada IS. Mar walba way beeniyeen eedaymahan.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Aaska dadka ku dhintay qaraxa.

Laakiin toddobaadkii hore ayaa waxaa ka dhacay isqarxin Suruc, koonfurta Turkey, halkaasoo oo ay ku dhinteen 32 qof, Turkigana wuxuu ku eedeeyay mintidiin ay tababartay IS. Kadib ciidamada IS ayaa dilay ilaalada Turkiga ee xuduuda. Taas ayaa sida ay u egtahay ugu danbaysay sababta Turkiga uu uga qayb qaadanayo dagaalka IS.

Ujeedooyin badan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Saldhiga cirka ee Turkiga.

Istaraajiyada Ankara ayaa badan. Dagaalka IS, waxaa garab socda weerarka Turkiga uu ku qaadayo dhowr meelood oo ay joogaan PKK iyo boqolaal ka tirsan ururka PKK oo la xiray.

Dadka dhaleeceynaya ayaa sheegaya in Turkiga uu IS u weerarary oo kaliya si uu ugu qariyo weerarka cadowgiisa Kurdiyiinta. Waxay intaa ku darayaan in Turkey ay awal u diidanayd dagaalka inaysan doonayn in caawiso Kurdiyiin la dagaalamaya IS, hadda Turkiga labadaba wuu weerari karaa, sidaas ayuu uga qaybgalay dagaalka