Global Fund oo badbaadisay malaayiin

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Dhiig baaris.

Global Fund oo ah hay'ad la dagaalanta cudurada Aids, Tiibishada iyo Malariyada ayaa sheegtay inay badbaadisay toddobo iyo toban milyan oo qof tan iyo markii ay shaqo bilawday 2002.

Warbixin cusub ayay Global Fund ku sheegtay in noloshan la badbaadiyay ay sabab u tahay horumarka laga gaaray caafimaadka adduunka.

Barnaamijyadeeda ayaa waxaa ka mid ah inay bixiso daawooyinka anti-retroviral ee Aidska iyo inay siiso boqolaal milyan oo carruur ah shabaqa kaneecada.

Hayadda oo ay maalgaliso hayadda Qaramada Midoobay ee caafimaadka adduunka ee WHO iyo Bill Gates ayaa maalgalisa barnaamijyada caafimaadka.