Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi Gudoomiye ku xigeenka Ururka Macallimiinta

Haweenka macallimiinta, ayaa door wayn ka qaata waxbarashada dhallaanka, iyadoo ay adag tahay duruufaha ay ku shaqeeyaan muddada 25-ka sanno ka badan ee ay colaaduhu Soomaaliya ka jireen.

Nuurto Maxamad Caddow, waa macallimad wax ka dhigta mid ka mid ah dugsiyada magaalada Muqdisho, waana gudoomiye ku xigeenka Ururka Macallimiiinta Soomaaliyeed.

Nuurto Maxamed waxa ay u warrantay weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan.