Saxmadda waddada Nairobi iyo Mombasa

Booliis ayaa la dhigay waddooyinka dalka Kenya, si la isugu dayo in la yareeyo ciriiri ba’an oo baabuurta ah, taasoo qaadatay in la soo gabagabeeyo saddex maalmood, waxa uuna ciriirigaas ka dhacay waddada isku xirta magaalo xeebeedka Mombasa iyo caasimadda Nairobi.

Dhabadan ayaa muhiim u ah dhaqaalaha gobolka, maadaama ay isku xirto dekedda Mombasa, iyo dalalka kale ee gobolka ee aanan laheyn badda.

Goobaha ugu xun oo ay dhibaatadan saameysay ayaa ah agagaarka deegaanka Taru, oo 80km ama (50 mile) u jirta Mombasa.

Wariyayaasha ayaa sheegaya in ciriiriga baaburtan ay sababtay dayactir lagu sameynayo bartamaha wadada, iyo roobab mahiigaan ah oo da’ay.

Ciriiriga baabuurta waa arrin caadi ka ah Kenya, waxaana badanaa sababa qaabka ay wadooyinka isugu xiran yihiin.

Qof mooto wata ayaa u sheegay TV-ga gaarka loo leeyahay ee Kenya ee NTV, in baabuurta qaar ay xanib naayeen in ka badan 48 saacadood.

Ciriiriga baabuurta waxa kaliya oo uu sameeyey waddada tagta magaalada Nairobi.

Waxaa jirta waddo tareen oo marta inta u dhaxeysa Mombasa iyo Nairobi, ha yeeshee waa mid qadiimi ah, oo aan la isku haleyn karin, waxeyna qaadaneysaa safar maalmo ah inaad jarto masaafo dhan 500km.

Kuwa awooda oo aanan wadan allaabo culus ayaa isticmaala duulimaad hawada ah, inta u dhaxeysa labadda magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi, kaasoo qaadanaya saacado.