Barnaamijka cudurada Afrika

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Cudurada la baarayo waxaa ka mid ah Ebola.

Barnaamij caalami ah oo lagu baarayo cudurada xoolaha ee ku faafa bini'aadanka ayaa laga bilaabay Kenya. Hayadda Qaramada Midoobay ee cuntada iyo beeraha ee FAO ayaa sheegay in cudurada ay ku jiraan Ebola, MERS, Avian flu iyo SARS.

Waxay sheegtay virasyada ka imaada xayawaanka ayaa ah in ka badan toddobaatan iyo shan boqolkiiba caabuqyada (infections) adduunka.

Barnaamijka cusub ayaa laga bilaabi doonaa kow iyo labaatan waddan Afrika.

Hayadda gargaarka caalamiga ee Maraykanka ee USAID ayaa sheegtay inay ugu tala gashay barnaamijka inay ku taageerto siddeed milyan oo dollar.