$250m oo la siiyay Iskuulada Suuriya

Image caption Carruurta Suuriya ayaa iskuul la'aan ah intooda badan.

$250m oo lacag deg deg ah ayaa lagu bixinayaa waxbarashada carruurta qaxootiga Suuriya sanadkan.

Wakiilka caalamiga ee Qaramada Midoobay ee waxbarashada ee Gordon Brown, ayaa ka sheegay isagoo jooga.

Lacagtan ayaa taageeri doonta qorshe iskuulo loogu samaynayo malaayiin qaxooti.

Lacag waxaa bixiyay Midowga Yurub iyo dalalka Gacanka Carabta.

Ilaa ay reeraha qaxootiga ay u helaan waxbarasho carruurtooda, ayuu yiri "safarka dhimashada ee Yurub ku imaanayaan ma yaraanayso laakiin waa kordhi doonta"

Qaxootiaga ka maqan guryahooda ilaa toban sano, ayuu sheegay.

Waxay micnaheedu tahay in carruurta ay ku dhacdo waxbarasho la'aan, tababar la'aan iyo shaqo la'aan.

Iskuul la'aanta iyo qatarta carruurta ka haysata xeryaha ayaa qaxootiga ay u soo aadayaan Yurub, ayuu yiri Mr Brown.

"Ilaa aan fursad siino carruurta, maalin walba reero cusub ayaa go'aan ku gaaraya inay imaadaan Yurub". ayuu sheegay.