10 siyaabood oo aad isaga ilaalin karto Fayraska Zika

Fayraska ayaa ku sii fidaya Latin America, waxaa qaada isla kaneecada sababta kaneecada iyo cuduro kale.

Ilaa hadda daawo ma laha, dadaalka oo dhan waxaa hadda la galinayaa sidii logoga hortagi lahaa, loolana socon lahaa tirade kaneecada.

Valeria Perasso Arrimaha bulshada ka waranta

Lahaanshaha sawirka AP

( Jose Wesley, oo ku dhashay madax-yaro, waxaa uu hurdaa iyadoo lagu daboolo maro kaneeco Poco Fundo, Brazil. Maro kaneecada ayaa gacan ka gaysata ka hortagga Zika in uusan sii faafin.)

Fayraska Zika ayaa ku faafaya qaaradda Maraykanka, iyadoo uu ku socda heer aad looga naxo.

Digniinaha dhinaca caafimaadka ayaa laga howlgaliyay in ka badan 20 dal oo gobolka ah, goobahaas oo fayraska looga shakiyay in uu sabab u yahay kororka saa’idka ah tirade kaysaska cudurka madax-yaraha, oo ah cudurka neerfaha ka haleela caruurta ay dhalaan hooyooyinka qaada fayraska, oo hadda u badan Brazil.

Dr Anthony Fauci, oo ah qabiir dhinaca cudurada faafa ee Machadka Caafimaadka Qaranka ee Maraykanka, ayaa sheegay in ay xaaladdu tahay mid ku sii socota heer halis ah.

Faafidda deg-dega ah ee fayraska Zika, ayaa ah kii ugu dambeeyay ee afar cudur oo ka dhashay kaneecada oo ka dhaca galbeedka muddo labaatan sano ah, ayuu Dr Fauci ku sheegay warbixin uu ku qoray joornaalka caafimaadka ee New England.

Wuxuu ku dabajiraa cudurka duumada, fayraska Galbeedka Nile iyo, kii ugu dambeeyay oo ah Chikungunya. Si la mid ah cuduradan, Zika waxaa faafiya kaneecada. Balse si aan la mid ahayn qaar ka mid ah fayrasyadaas, ma jiro tallaal looga hortago Zika. Sidaa darteed waxaa la is waydiinayaa maxaa la samayn karaa si loola dagaalamo?

Lahaanshaha sawirka Getty

(--- Khubarada Brazil ayaa shaki ka qaba in uu jiro xiriir ka dhaxeeya fayraska Zika iyo kaysaska cusub ee cudurka madax-yaraha, oo ay ku dhashaan caruurtu madaxooda oo aad u yar iyo maskaxdooda oo dhib kala kulanta in ay korto. )

1. Isticmaal caabiyayaasha

Talada ugu horaysa ee khubaradu bixinayaa waa in aad iska ilaaliso in kaneeco ay ku qaniinto intii macquul ah. Xarumada ka hortagga cuduradda ee Maraykanka, ayaa ku talinaya in qofka maqaarkiisa uu mariyo dawada ay ka cararto kaneecadu.

Inta badan noocyada dawadan ee la sugay, waxba uma dhimaan hooyooyinka uurka, balse waa in ay ka hubiyaan dhaqtarkooda.

Lahaanshaha sawirka Reuters

(--- Qalab cusub oo baaritaan oo ogolaanaya baaritaan deg deg ah ee qofku in uu qabo sadexda nooc ee fayraska ka dhasha kaneecada. Halkan, lagu isticmaalayo waa Sao Paulo, Brazil.)

2. Xiro gacmo dheer

Khubarada ayaa sidoo kale ku talinya in la xirto dhar gacmo dhaadheer, surwaal luga dheer. Waa in ay ahaadeen dhar culus oo aysan ka gudbaynin qaniinyada kaneecada.

Waxaa jira dhar loogu talogalay oo leh dawada permethrin, oo dharka la dhegaliyay, inkastoo laga helo oo kaliya dalal kooban. Dawooyinka ka hortagga ma aha in laga hoos marsado dharka.

3. Gurigaaga oo aad ka dhigto kaneeco-ka hortage

Mar kasta oo ay suurtagal tahay, khubarada ayaa ku taliya in la seexdo meel gabaad leh – waxaa loola jeedaa, albaabo xiran, daaqado owdan iyo maro-kaneeco la hoos seexdo.

Habeenkii mara-kaneecadu wax bay ku taraysaa, balse kaneecada nooca Aedes aegypti, oo ah tan ugu daran ee sidda Zika, waa mid xilli kasta ku qaniini karta si isla mid ah maalin iyo habeen.

Lahaanshaha sawirka Getty

(--- Sadexdii bilood ee ugu dambaysay, dawooyinka jirka lagu buufiyo si kaneecadu kaaga cararto, farmashiyayaasha qaar ee ku yaalla Brazil ayaa iibsigoogu boqolkiiba 60 uu kor u kacay kadib markii ay dilaaceen sadexda cudur ee ka dhasha kaneecada.)

4. Ilaali dhirta dhariga

Iyadoo ay muhiim tahay in laga hortago kameenadu in ay gasho goobaha lagu nool yahay, waxaa kaloo aad muhiim u ah in laga hor istaago in ay taranto. Waana biyaha goobaha tarankeedu uu ka dhaco.

Hay’adda ilaalinta deegaanka ee Maraykanka, iyo dalalka Koonfurta Ameerika ayaa ka dalbaday dadwaynahooda in ay iska ilaaliyaan meelaha biyuhu fariistaan iyo weelasha biyaha lagu kaydiyo, oo ay ka dhici karto in ay yihiin goobaha ay ku dhasho kaneecadu.

Waxay ku talinayaan in la nadiifiyo todobaadkii dhowr jeer iyo in la daboolo haamaha biyaha iyo goobaha biyaha lagu kaydiyo, hadii aysan ahayn kuwo lagu daray daawada chlorine oo kaneecadu ka cararto.

Hadii biyuhu weel ku jiraan, wax ka badan san maalmood waa in dhul qalalan lagu daadiyaan. Waxaa dhimanaya ukumaha ay kaneecadu ka dhalato. Biyaha ugu yare ee meel yaalla ayaa ku filnaan kara in ay noolaadaan, marka waxaa muhiim ah in goobuhu ay marnaadaan, balse sido kale waa in si joogto ah loo nadiifiyaa.

Lahaanshaha sawirka Getty

(--- Askari ciidamada Brazil ah oo eegaya taangi biyaha lagu shubto guri ku yaalla Recife home in an attempt to eradicate the larvae of the mosquito.)

5. Dabool qashinka

Qashinka guryaha ayaa sidoo kale noqon kara goob ay kaneecadu ku bullaasho, iyadoo biyo ku uruuri karaan.

Khubarada ayaa ka digaya in kuwa qatarta ku sugan ay tahay in ay aad uga taxadaraan qashinka, waana in goor walba afka laga xiraa bacaha qashinka.

Taayarada duugga ah iyo alaabaha dhismaha ee yaalla daaradaha waa in laga qaadaa, maadaama ay iyaguna noqon karaan kaneecadu goob ay ukumaheeda ku kaydsato.

6. “Buufi”

Xukuumadda Brazil, oo ah dalka ugu daran ee uu ka jiro fayraska Zika, waxay ka fakaraysaa in ay dawooyin ku buufiso deegaanada ugu daran, waxaa ujeedku yahay in gawaari waawayn iyadoo sun laga buufinayo in la laayo kaneecada qaan-gaarka ah.

Waxaa tallaabada lagu tilmaamaa mid xaalad deg deg ah ka hor inta aan la gaarin cayaraha Olympic-ga, oo bisha August magaalada Rio lagu qaban doono.

Hadana, ma aha muran la’aan, maadaama buufintu dhici karto in ay aafeyso deegaanka, ayna leedahay xanuun aan lagu talo galin oo ay ku keeni karto caafimaadka dadwaynaha deegaanka.

Lahaanshaha sawirka Brazil Divulgacao

( “Buufinta kaneecada ayaa magaalooyin qaar ee dalka Brazil la adeegsaday si loo joojiyo faafidda cudurka.)

7. Istaraatiijiyadda lagu maamulo kaneecada

Dowladaha dhowr dal oo Koonfurta America ah ayaa hadaba bilaabay olole ay ku ciribtirayaan kaneecada sidda fayraska Zika, iyadoo teknolojiyad adeegsanaysa.

Mid ka mid ah hindisayaasha muranka dhaliyay, waxaa ka mid ah adegsiga cayayaan abuurkooda la saameeyay, in la soo daayo kaneeco noocaas ah si loo xakameeyo tirade kaneecada, ayna ka hortagaan cudurku in uu sii faafo.

Kuwo kale ayaa isku dayay in la tijaabiyo xalal kale oo aan horay loo filaynin, sida lagu sameeyay magaalada Itapetim ee Brazil. Waxay abuureen “ciidan dabiici ah” waay ku tilmaameen oo ah biyo nadiif ah oo kalluun uu ku jiro, waxayna ku rideen booyadaha iyo goobaha kale ee ukunta kaneecadu ay ku kaydsan tahay. “Kalluunka ayaa cuna ukunta, oo u diida in sii kobocdo,” dowladda hoose ayaa u sheegtay BBC Brazil.

8. Isticmaal qalabka ka hortaga kaneecada

Iyadoo hay’adaha caafimaadka dadaynaha ee dowladuhu ay la tacaalaan dhibaatooyinka baaxadda leh, ayaa hadana shaqsiyaadkuna ay samaysan karaan qalabyo ka hortaga kaneecaada oo guriga u yaalla.

Waxaana jira noocyo badan, waxay ku xiran tahay sida dalka qofku joogo looga helo. Nidaamyada qaar waxay iska dhigaan oo matalaan jirka bini’aadamka oo soo daynaya hawada carbon dioxide iyo kulayl, kuwaas oo kaneecadu ku daadato.

Aaladaha soo jiita kaneecada, ayaa dalalka qaar laga adeegsadaa, inkastoo adeegsigooda lagu murmay sababo la xiriira in ay saamaynayso sidoo kale shinida, ballanbaalista iyo cayayaanka kale.

9. Ha safrin

Kuwa ku nool meelaha bannaanka ka ah deegaanada cudurka laga helay, in aysan goobahaas u safrin waa talo la siinayo.

CDC ayaa ka dalbatay dumarka uurka leh ee Maraykanka in ay dib u dhigaan safarada ay ku tagi lahaayeen Koonfurta America iyo Carribean.

“Ilaa inta faahfaahinta la sii ogaanayo iyo taxadar dheeraad ah oo la sameeyo, haweenka uurka leh waa in ay dib u dhigaan safarkooda ay ku tagi lahaayeen deegaanada uu fayrasku uu ka jiro,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan la taliyayaasha CDC.

“Haweenka uurka leh ee goobahaas taga waa in ay la hadlaan dhaqaatiirtooda ama kuwa kale ee bixiya daryeelka caafimaad.,” CDC ayaa intaa ku dartay.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO), ayaase si caalami ah u taageerin talada CDC.

“Marka la eego cadaynta la hayo, WHO kuma talinayso in la xaddido safarka ama ganacsiga sababo la xiriira fayraska Zika. Si taxadar ku jiro, dowladdaha qaar waxaa dhici karta in ay sameeyaa tallaabooyin caafimaad iyo talo ay siiyaan dadwaynahooda, si waafaqsan dareenkooda,” ayay sheegtay.

10. Ka hortag in uu sii faao

Hadii uu qof ku dhaco, digtooni dheeraad ah waa in la qaadaan si looga hortago qaniinyo kaneeco oo hor leh todobaadka ugu horeeya ee qofku xanuunsan yahay, ayay sheegtay hay’adda caafimaadka ee CDC.

Waxaa tan sabab u ah, fayraska ku jira dhiigga ayaa kaneecadu ku gudbin kartaa marka ay qaniinto qof kale. Inkastoo qatarta isugu gudbinta galmada aan si cilmiyan ah loo cadaynin, dadka qaar ayaa soo jeedinaya in adeegsiga kondom-ka muddo laba todobaad ah kadib marka laga bogsado caabuqa Zika, iyo iyadoo la qaado tallaabooyin looga hortagayo faafitaankiisa uu ku gudbo candhuufta iyo dareeraha kale ee jirka.