Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi cudurada ku dhaca dumarka

BBC waxa ay bilaabaysaa barnaamij taxane ah oo la xiriira cudurada maskaxda, maanta waxaa eegeynaa sida dhaqaatiirta ay sheegayaan waxaa jiro cuduro badan oo maskaxda ku dhaca oo dadka aysan aad u aqoon.

Waxaa ka mid ah mid yimaada marka dumarka uu dhiigga caadada ku dhacayo ama xilliga ay dhalayaan.

Waxaa loo yaqaanaa PMDD, kaas oo ah in dumarka qaar dabeecaddooda isbadasho, qaarna ay sameeyaan waxyaabo aysan samayn jirin.

DR Maymuuna Maxamud Ciise oo ka howlgasha xarunta caafimaadka ee Tawakal oo ka shaqeysa daaweynta cudurada maskaxda ayaanu ka wareysanay waxa uu yahay cudurkaan, Weriyaha BBC, Fardowsa maxamed Cilmi ayayna u warantay.