Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waxtarka gargaarka Turkiga ee Soomaaliya

Machadka daraasaadka siyaasadda Heritage ee magaalada Muqdisho, ayaa soo bandhigay cilmi baaris ay ku sameeyeen kaalinta Turkidu kaga jirto dhinacyada kaalmada gargaarka, horumarka,dib u dhiska iyo midnimada Soomaaliya.

Cilmi baarista ayaa si gaara uga hadlaysa sida Turkidu ugu guuleysteen in ay soo dhaweyn diiran ka helaan Soomaalida, marka la barbardhigo deeq bixiyayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya taageerayay mudada fog iyo dhaliilaha loo jeediyo hab dhaqanka meelaha qaar ee Turkida sida hufnaan la'aan iyo isla xisaabtanka oo aan buurnayn.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa la kulmay qoraaga warbixintan Mahad Waasuge oo ah cilmi baare ka tirsan machadka Heritage, wuxuna marka hore weydiiyay sida waqtiga dhaw ay ku bilaabatay taageerada Turkiga ee Soomaaliya.