Japan iyo Masar oo iskaashanaya

Lahaanshaha sawirka
Image caption Japan iyo Masar ayaa xooga saari doona iskaashiga dhinaca tamarta.

Ra'iisalwasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegay in waddankiisu uu siin doono Masar 17.500 bilyan oo dollar oo gaargaar dhaqaale ah.

Hadalka ayaa la sheegay isagoo madaxweynaha Masar Abdel Fatax el Sisi uu booqanayo booqashadiisii ugu horaysay Japan.

Heshiis labada dal ay gaareen ayaa ogolaanaya in shirkadaha ay xooga saaraan iskaashiga xaga tamarta.

Mr Abe iyo Mr Sisi ayaa sidoo kale ku heshiiyay inay iska kaashadaan dhinaca waxbarashada, iyadoo 2500 oo arday reer Masar ay Japan u aadi doonaan waxbarasho shanta sano ee soo socota.