Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka isgaarsiinta Soomaaliya

Maagalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada oo ay ka qaybgalayaan xubno ka socda dawladda federaalka, maamul goboleedyada iyo shirkadaha bixiya adeegyada isgaarsiinta iyo jaamacadaha.

Shirkan waxa sidoo kale ka qaybgalaya khubaro ka socota Bangiga Aduunka, iyadoo ujeedada laga leeyahay lagu sheegay in laga faa'iideysto mashaariicda maalgashiga ee isgaarsiinta gaar ahaan adeegyada mobile-ka iyo internet-ka.

Weriyaha BBC ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan, oo ka qaybgalay furitaankii kulankaasi ayaa weraystay wasiirka boostada iyo isgaarsiinta dawladda federaalka ee Soomaaliya, Guuleed Xuseen Qaasim, wuxuuna marka hore weydiiyay bal waxa uu ku saabsanyahay shirka ay Muqdisho ka fureen.