Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dr Abduqadir Nur oo ka hadlaya macaanka

Tirada dadka qaan-gaarka ah ee la nool xanuunka macaanka waxay gaartay sanadkii 2014-kii i in ka badan 422 million qof, waxay ka dhigan tahay 11- kii qof in hal qof uu qaaday macaanka.

Tiradan cusubi waa afar jibaar intii ay ahayd halkii ay mareysay tirada dadka macaanka qaba sanadkii 1980.

Sidaas waxaa sheegay ururka caafimadka adduunka ee WHO oo soo saaray warbixin.

Dr Abdulqadir Mohamud Ahmed Nuur, oo ah dhaqtarka qoyska oo ka shaqeeya London, ayaan ka hadlay macaanka, dhibaatadiisa, iyo qaybihiisa.

Wuxuu marka hore ka waramay noocyada cudurka macaanka.