Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mashruuc lacago lagu siiyay haweenka barakacay

Magaalada Muqdisho sodon haweena oo u badan qoysaska ku nool xeryaha dadka gudaha ku barakacay, ayaa maanta la siiyay lacago ay ku hormarinayaan ganacsiyo yar yar oo ay ka samaysteen xeryaha guduhooda.

Lacagtan oo ay bixisay hay'ad samafal ah oo la yiraahdo Hormuud Foundation, ayaa soddonkaasi haweenka ah midiiba ku wareejisay lacag dhan shan boqol oo dollar, waxaana dumarkan soo xulay xarunta horumarinta haweenka iyo dhalaanka ee SSWC.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan, ayaa la hadlay qaar ka mid ah haweenka la siiyay lacagaha ah warbixintan ayuuna noo soo diray.