Baba Rahman: Schalke ayaa Chelsea dayn uga qaadatay muddo sanad ah.

Ciyaaryahan Baba Rahman Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Baba horay ayuu Jermalka uga soo dheelay

Schalke ayaa saxiixatay ciyaaryahanka difaaca uga dheela kooxda Chelsea ee Baba Rahman.

Heshiiskaas ayaa socon doona muddo sanad ah.

Ciyaaryahanka reer Ghana oo 22 jir ah ayaa 51 jeer u saftay kooxda Augsburg ee Bundesliga-a ka dheesha, kahor inta uusan heshiis shan sano ah ugu soo wareegin Chelsea bishii August ee sanadkii hore.

Rahman ayaa ka qayb galay koobka Champions League markii uu ku biiray Chelsea, 23 jeer ayuuna u saftay kooxdaas oo lagu naanayso Blues.

Ku noqoshadiida Jermalka waxay dib u midayn doontaa macallinkiisii hore Markus Weinzierl oo ay markaas wada joogeen kooxda Augsburg.

Markus ayaa tababarenimada Schalke qabtay bishii June

Mowduucyada la xiriira