Rio 2016: Feeryahannada Ruushka oo Olombikada loo ogolaaday

11 feeryahan oo Ruush ah ayaa loo ogolaaday Olombikada Rio Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption 11 feeryahan oo Ruush ah ayaa loo ogolaaday Olombikada Rio

Dhamaan 11 kii feeryhan ee Ruushka ahaa ee u soo baxay tartanka Olombikada ee Rio ayaa loo ogolaaday in ay tartanka ka qayb galaan.

Guddi saddex xubnood ka kooban oo hoos taga guddiga xiriirka caalamiga ah ee IOC ayaa ansixiyay ka qaybgalka ciyaaryahanadaas.

Ururka feerka ee caalamiga ahna waxay ugu baaqeen in uu fasaxo ciyaaryahanadaas.

IOC ayaa waydiisatay ururrada ciyaaraha in ay si gooni gooni ah go'aan uga gaaraan in ciyaaryahanada Ruushka loo ogolaado in ay tartamaan ka dib markii ay soo baxday fadeexad la xiriirta dawooyinka awoodda jirka kodhiya oo dalkaas loo haysto.

Kooxdii Ruushka u matali lahayd culays qaadidda iyo 17 ka qaybgali lahaa doon wadidda ayaase ku guuldaraystay racfaankii ay qaateen.

Gudiga caalamiga ah ee tartanka culays qaadidda ayaa tartanka ka reebay dhamaan sideedii ruux ee Ruushka uga qaybgali lahaa tartanka todobaadkii hore, maxkamadda caalamiga ah e ciyaaruhuna waxay go'aamisay in mamnuucitaankaas loo maray wadadii saxda ahayd.

17 ka ciyaaryahan ee Ruushka uga qayb gali lahaa doon wadidda ayaa iyagana racfaankooda la diiday kaddib markii lagu dhagaystay dalka Brazil